Ciidamada Booliska Berbera oo Xabsiga Dhigay Dad Ku Jiray Guryaha Dawladda

0
1634

Berbera (Hargeisa Press)- Ciidamada booliska ee magaalada Berbera ayaa waxaa ay maanta xabsiga u taxaabay Dad shacab ah oo deganaa guryaha dawladda.

Dadkan oo deganaa guryaha dawladda ayaa hore Wasaarada hawlaha guud ee Somaliland ugu soo rogtay kiro, iyadoona wasaaradu warqad u gudbisay xeer ilaalinta gobolka Saaxil oo ay ku sheegayso in ay dadkaasi diideen inay iska bixiyaan kiradaasi lagu soo rogay.

Waxaanay ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil ay xabsiga dhigeen Odayaasha degan xaafada Mosco ee magaalada Berbera.

Sidoo kale, markii ay ciidamadu xidheen Odayaashaasi ayaa waxaa mudaharaadyo waa weyn sameeyay dadweynaha degan xaafadaasi oo iyagu aad uga cadhooday xadhigooda.

Sidoo kale, ciidamada Booliska ee magaalada Berbera oo goobta mudaharaadyadu ka dhacayeen soo gaadhay ayaa kala dareeriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk /Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here