Chelsea oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka Champions League (SAWIRRO)

0
1473

Porto (Hargeisa Press) – Kooxda Chelsea, ayaa markii labaad ku guuleystay koobka Champions League, kaddib markii ay 1 gool kaga adkaatay kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal.

Qeybta hore ee ciyaarta, ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 43-aad kooxda kubadda cagta Chelsea, ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-o ka dhigay Kai Havertz, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkii Mason Mount.

Qeybta labaad ee Ciyaarta markii dib laysugu soo laabtay labada dhinac, ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balsé ugu dambeyntii ciyaarta, ayaa ku dhammaatay 1-o ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal, taasoo ka dhigtay in Blues ay ku guuleystay koobka Champions League markii labaad Taariikhda.

LEAVE A REPLY