Harta-sheekha (Hargeisa Press)- Xaflad balaadhan oo lagu caleemo saarayay Chief Caaqilka guud ee beesha Nuux Ismaaciil, ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada xarshin.
Munaasibada Xaflada lagu caleemo saarayay Chief Caaqil Mustafe Xaaji Ibrahim Maxamud ayaa waxa ka soo qayb galay Salaadiin, Cuqaal, Madax ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dadweyne Tiro badan.
Hadal uu munaasibada ka jeediiiyay Suldaan Ibrahimm Sulub, ayaa waxa uu sheegay in beesha Nuux Ismaaciil ay guddi u saareen sidii loo soo xuli lahaa Chief Caaqilka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil ee dowlad deegaanka Itoobiya.
“Mustafe Xaaji Ibrahim uu ku yimi talo ay beeshu, ku gaadhay in uu qabto xilkaas, soo xulistana waxa aanu wadnay mudo dheer, sidii aan u heli lahayn qofkii ku haboona ee beeshu u caleemo saari lahayd, waana ta maanta loo fadhiyo.” ayuu yidhi Suldaan Ibrahim Sulub.
Sidoo kale, hadal uu xaflada ka jeediyay Garaad Cabdi-Maalik Garaad Cismaan, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo xaflada lagu caleemo saaraayo Suldaanka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil iyo Chief Caaqilka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.