Champions League: PSG Oo Ka Aarsatay Barcelona, Chelsea Oo Badisay Iyo Man City Iyo Roma Oo Barabaro Ku Kala Baxay + SAWIRRO

0
808

HargeisaPress — Kooxda PSG ayaa ka aarsatay kooxda Barcelona kadib markii ay cashar ugu dhigtay kulankii ka dhacay Parc des Princes.PSG ayaana 3:2 ku garaacday Barcelona. Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Porting Lisbon halka Man City iyo Roma ay dhibcaha ku qaybt sadeen Etihad Stadium.Halkan kaga boqo kulamadii Champions League ee caawa la ciyaarayay iyo wixii kala qabsaday kooxaha.

PSG VS Barcelona:

Kulankan oo ahaa mid aad iyo aad u xiiso badan isla markaana ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro aad iyo aad  halis u ah , ayay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaaar aad u xiiso badan. PSG ayuu ka maqnaa Ibrahimovic balse kooxda PSG ayaa muujisay awood difaac oo ay ugu babac dhigtay weerarka Barcelona, isla markaana PSG waxay ku ciyaaraysay qaab weerar deg deg ah .

2157122_w2

Daqiiqadii 10 ee bilawgii ciyaarta ayay PSG hogaanka ciyaarta u qatay waxaana goolka kowaad u dhaliyay dafaaca aduunka guu qaalisan ee ay xagaaga kala soo wareegtay kooxda Chelsea ee David Luiz, ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay PSG ku hogaaminayso.

2156810_w2

Barcelona ayaa si deg deg ah uga jawaabtay goolka looga hormaray waxaana goolka barbaraha u saxiixay Lionel Messi, Messi ayaa kubbad qurux badan u sii dhiibtay Iniesta kaas oo isaguna si fiican ugu salaxay Messi wuxuuna sidaa Messi ciyaarta kaga dhigay barbaro 1:1 ah. Messi ayaa goolka dhaliyay hal daqiiqo uun kadib markii ay PSG goolka Barcelona uga hormartay.

Totti2

Daqiiqadii 26 aad ayay markale PSG ciyaarta ku hormartay waxaana goolka labaad ku fara yaraystay Marco Verratti , Verratti ayaa kubbad caaqiibo leh oo uu ka helay Thiago Motta madax ku darbeeyay isagoo hoos mariyay goolhaye  ter Stegen. Natiijada ciyaarta ayaana noqotay 2:1 ay markale PSG ciyaarta ku hogaaminayso. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana sidaa lagu kala nastay.Goolkan ayaana ahaa kii ugu horeeyay ee Verratti u dhaliyo kooxdiisa PSG.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay PSG halkii ka sii waday qaab ciyaareedka fiican ee weerarka ku dhisan ee ay ciyaarta ku soo gashay, waxaana goolka saddexaad u dhaliyay Blaise Matuidi. ciyaarta ayaana noqotay 3:1 ay PSG ku horumartay.

Natiijooyinka kulamadii Xalay la Ciyaaray oo Dhamaystiran waa kuwan
Natiijooyinka kulamadii Xalay la Ciyaaray oo Dhamaystiran waa kuwan

Barcelona ayaana haddana markale si deg deg ah uga jawaabtay goolka PSG waxaana markan goolka labaad Barcelona u dhaliyay Neymar. Neymar ayaana goolka Barca ee labaad dhaliyay laba daqiiqo oo kaliya markii ay ka soo wareegtay goolka saddexaad ee PSG. ciyaarta ayaana noqotay 3:2 ay wali PSG ciyaarta ku horayso.ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:2 ay PSG ku dubatay Barcelona. waa guul daradii ugu horaysay ee ay Barcelona xili ciyaareedka cusub la kulanto tartamada oo dhan. Group F ayay PSG ku hogaaminaysaa 4 dhibcood, Barcelona ayaana leh 3 dhibcood, AJax laba dhibcood halka APOEL ay leedhay hal dhibic oo kaliya.

Xavi Herandez oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa jabiyay rekoodhkii Raul ee ahaa ciyaartoyga kulamda ugu badan saftay horyaalka  Yurub ee Champions Leaquega. Xavi ayaa Barcelona u saftay 143 kulan oo Champions Leaqueg ah.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here