Ceel-Afweyn: Wasaaradda Deegaanka Oo Qabatay Dhir Qoyan Oo La Soo Jaray

0
984

Ceel-Afweyn (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa degmadda Ceel-Afweyn kula wareegtay dhir qoyan oo la soo jaray oo laga soo rarray deegaanka Dararweyne  ee gobolka Sanaag.

Dhirtaasi oo la doonayay in loo isticmaalo Xaabo ahaan ayaa ahayd mid qoyan, taasoo lagu siday baabuur nooca xamuulka ah, maadaama ay jarista dhirta qoyan mamnuuc ka tahay Somaliland.

Waxaana ka wada shaqeeyay soo qabashadda dhirtan qoyan ee Xaabadda laga dhigayay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmadda Ceel-Afweyn iyo odayaasha deegaankaasi.

Iyadoo goobtii lagula wareegay dhirtaasi qoyan ee  la soo jaray uu goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka Cadaaladda Mustafe Maxamuud Cali, iyo wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Wasiirka deegaanka Somaliland oo ka hadashay meeshii dhirtaasi qoyan ee  la soo jaray lagula wareegay ayaa sheegtay in tallaabo laga qaadi doono dadkii lagu soo qabtay xaabadani, iyadoona digniin u dirtay dadka ku hawlan arrintaasi.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here