Ceel-Afweyn: Dugsi Laga Hirgeliyay Tuuladda Bocollo Oo Xadhiga Laga Jaray

0
586

Ceel-Afweyn (HP): Dugsi waxbarasho oo laga hirgeliyay tuulladda Bocol oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee  gobolka Sanaag ayaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray.

Dugsigaasi waxbarasho oo ka kooban laba Fasal, iyo xafiiskii maamulka,  waxaa fulintiisa iyo dhaqaalihiisaba iska kaashaday haayadda maxaliga ah ee TAAKULO Somali community iyo Czech Republic operational development fund.

Waxaana dugsigaasi maanta si wada jir ah agaasimaha haayadda TAAKULO Maxamuud Maxamed Ducaale, xubno  ka socday Czech Republic operational development fund,  oo ay hogaaminaysay Mrs. Catharine.

Maayarka degmadda Ceel-Afweyn Maxamed Aadan Digaale,  waxa kaloo munaasibadaasi ka soo qayb galay xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland iyo xildhibaano ka mid ah golaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Dugsigani oo ah dugsi hoose, waxaa fulisay hirgelintiisa haayadda TAAKULO, halka dhaqaalaha lagu dhisayna ay bixisay Czech Republic operational development fund, xafiiskeedda magaaladda Addis Ababa.

Sida uu sheegay agaasimaha haayadda TAAKULO Maxamuud Maxamed Ducaale, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista dugsigaasi.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah aasaasaha haayadda TAAKULO oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka soo qayb gallo furitaanka dugsigan laga hirgeliyay deegaanka Bocollo.

Waxaanu xildhibaan Cumar Jaamac, si weyn ugu mahad celiyay wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo uu sheegay inuu ku waafaqay qorshihii iyo codsigii uga yimid bulshadda deegaanka Bocollo.

Geesta kale masuuliyiinta ka socday haayadda Czech Republic operational development fund, waxay soo kormeereen dugsi waxbarasho iyo xarun caafimaad ama MCH ay hore uga dhiseen deegaanka Dhadhin Yaxye, oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here