Carwo Caafimaad Oo Markii U Horaysay Somaliland Lagu Qabanayo

0
504

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in carwo ku saabsan caafimaadka dhawaan lagu qaban doono caasimadda Hargaysa.

Cumar C/laahi Cali, oo maanta xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in carwadaasi ay socon doonto muddo shan maalmood ah, isla markaana ay ka soo qayb geli doonaan dhamaanba daneeyeyaasha caafimaadka.

Carwadan caafimaad oo noqonaysa tii ugu horaysay oo Somaliland lagu qabto waxaa kaloo ka soo qayb geli doona hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha caafimaadka.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY