Carwada Ganacsiga Hargeysa Oo Kulmisay Shirkaddo Waddani Ah iyo Kuwo Ajaanib Ah Oo Caasimadda Ka Furantay + SAWIRRRO

0
1326

carwada hargeisaHargeysa,(HargeisaPress) — Carwo Ganacsi oo ay ka qayb qaadanayaan ilaa 40 shirkadood oo wadani ah iyo labaataneeyo kala yimid Djibouti , Yeman, Syria iyo Sucuudiga ayaa maanta ka furantay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ah markii saddexaad ee Hargeysa laga furo ayaa lagu soo bandhigay Ganacsiyada kala duwan ee Shirkaddaha ka qayb galay oo waddani iyo mid dibada laga keenay iskugu jira.

Xafadii loo sameeyey Carwada ayaa waxa kasoo qayb galay Moyarka caasimada Jabuuti iyo Moyarka Hargaysa,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,Guddoomiyaha Rugta Ganacasiga somaliland iyo Marti sharaf kale.

Maamulaha Carwadan oo 5 Cisho soconaysa Cali Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in U jeedada Carwadani tahay sidii Shirkaddaha Ajaanibka ahi ugu bandhigi lahaayeen Alaabooyin cusub oo ay dalka keenayaan iyo in Ganacsiga maxaliga ah laftiisu dadka u soo bandhigo ganacsigooda.

DSC04931

“Meeshan Quruxda badan waxaa iskugu yimid 40 Shirkadood oo wadanka gudihiisa ah iyo 20 dibada ka yimid sida Djibouti, Yemen, Syria ,Sucuudiga, markaa sanad walba mar baanu qabanaa Carwadan.” Ayuu yidhi Maamulaha Carwada.

Cali Maxamed Yuusuf oo sharaxaya U jeedada iyo faa’iidada Carwadan waxa uu yidhi “Shirkaddahan Carabta ah ee 20-ka ahi badankoodu waxay doonayaan cid wadanka wakiil uga noqota oo Alaabtooda wadanka ugu iibisa.kuwa waddanka laftoodu waxay soo bandhigayaan Wax soo saarkii Beeraha kii wershadaha, markaa way ka duwan yihiin kuwii dibada wax ka keeni jiray.

DSC04971

Waxay markaa doonayaan inay alaabooyinkan dadka baraan, waxanina waa wax cusub oo la doonayo in wadanka la soo galiyo ama suuqa”

Maayirka Dalka Djibouti Xuseen Cabdilaahi Kayd oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”Waxaana Aad ugu faraxsanay Inaan kasoo qayb galo Carwadan Maanta lagu soo bandhigayo Adeegyada kala duwan ee uu nagu marti qaaday Moyarka magaalada hargaysa cabdiraxmaan Maxamuu Caydiid Solteco,aniga iyo watfigan aan hor kacayaa waxa ay ka kooban yihiin ganacsato iyo Koox Hido iyo dhaqan ah,Taas oo ujeedadu tahay sidii aanu Dhaqanka Somaliland iyo jabuuti isku dhex galin lahayn.

Sidoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga somaliland Maxamed Shugri oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa sheegay Doorka ay Ganacsatadu Dalka ku leeyihiin waxaana uu yidhi”

DSC04935

“Aniga oo ku hadlaya magaca Bahwaynta Ganacsatada somaliland,waxaanan halka uga mahad naqaya Ganacsatada reer yamaniyeeda ee xidiidhka soon jireenka ahi inaga dhaxeeyo,Carwadan Maanta halka lagu soo bandhigayna Ubucdeeda iska leh,Madalahan oo kale ayaa ugu muhiimsan in lagu soo bandhigo ganacsiga,Waxaana Uu shirkada waliba iyo ganacsato kastaaba kusoo bandhigtay qiimo dhimis aad u balaan kaas oo aad ka helay waxa badan oo ku cajabiya.

 

Maayirka Hargeysa  Bidix Maayirka Djibouti
Maayirka Hargeysa Bidix iyo Maayirka Djibouti

Carwadaasi Furay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga somaliland Muuse Qaasim waxaana uu Sheegay in ay carwadani tahay mid dalka waxa badan kusoo kordhin doonta isla markaasna Shacabkuna ay ka heli doonaan Adeegyo Jaban inta Socoto”

‘Waxa Maanta ii sharaf ah Inaan Furo Carwadii Saddexaad oo alaabooyin iyo adeegyo kala duwan oo aad indhaha shacabka usoo jiitay ku arakay,Runtii Carwooyinku Faa’idooyin Badan ayay leeyihiin,Ganacsato ayaa isku timaada Badeecado kala duwan ayaa lasoo bandhigaa,Dhaqano kala duwan ayaa iskugu imaada,Dadka somaliland hadii aad tariikhdooda dib u eegto hido ayay u leeyihiin carwooyinka in ay qabtaan,Ganacsataduna kusoo bandhigto Adeegyada ay bulshada u hayaan kuwooda ugu casrisan,Sidaas daradeed Carwadan Waligay Maan arag Mid ka wanaagsan waanay ay inoo Furan tahay.

Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka Djibouti oo maanta ruxay Shacabka reer Hargeisa
Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka Djibouti oo maanta ruxay Shacabka reer Hargeisa

 

 

Carwadii 3aad Ee Ganacsiga Somaliland oo ay soo qaban qaabiyeen Hargeysa International Trade Fair iyo AOA, oo ay ka soo qayb galeen Ganacsato aad u tiro badan oo halkaasi Ganacsigooda ku soo bandhigayaan, waxa siwayn uga dhex muuqda Ganacsato Reer Djibouti ah iyo Waliba Maayirka Magaalada Djibouti oo ka soo qayb galay halkaasi oo ay ka socdaan

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here