Caruur Miino Kula Qaraxday Xadka Somaliland iyo Itoobiya

0
998
caruur-miino-kula-qaraxday-xadka-somaliland-iyo-itoobiya

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay Miino kula qaraxday caruur xoolo la joogtay.

Qaraxan miinada, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu sababay khasaare kala duwan, iyadoo qaraxan uu ku geeriyooday Ilmo yar, halka Laba Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Caruurtan, ayaa miinadu kula kacday goob u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 qof oo kale ay dhawacmeen kadib markii Ambalaas loo diray caruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay Baabuur Xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deegaanka Balli-hiile.

Dhaawaca toddobada Qof, ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Wayn ee Burco, iyadoo xaaladoodu ay tahay mid dagan, sida uu sheegay Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac.

Saddexda caruurta ah ee miinadu la qaraxday, ayaa waxaa ay Adhi ku ilaalinayeen goobta ay dhibaatadu ku soo gaadhay.

LEAVE A REPLY