Car iyo Wir Ka Dhex Taagan Dugsiyada Gaarka ah iyo Wasaarada Waxbarashadda

0
932
SAMSUNG CSC

Sanadkan mar labaad waxaa foodda iskula jira mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda Waxbarashadda Somaliland:

Sanadkii hore ee 2018-kii ayaa sidan oo kale la isku qabsaday muddada la gallayo sanad dugsiyadeedka, waxaanay xukuumaddu amartay in dib loo dhigo wakhtigii la gali jirey oo ay ka dhigtay dhamaadka bisha August.

Hase yeeshee waxa go’aankaasi ka hor yimid dugsiyada gaarka loo leeyahay. Waxaanay maalintasi ku doodayeen dugsiyada gaarka loo leeyahay laba qodob oo kala ah:

In marka hore loo sii sheegin iyo qodobka labaad oo ah in macalimiinta u dhigta dugsiyadu lacagtoodu ku xidhan tahay ardayda, sidaas darteed hadii fasaxa la dheereeyo aanay mushahar heleen.

Markii car iyo wir la is yidhi waxa tanaasulay wasaarada waxbarashadda, waxaana loo yeelay sidii ay doonayeen mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, taas oo ay ka odayeeyeen odayaal culculusi.

Sanadkan iyo mar labaad waxa hadana fooda iskula jira isla kuwii sanadkii hore uun is haystay.

Wasaaraddu waxay bishii afraad ee sanadkan wakhti aan la gaadhin fasaxii dugsiyada waxay ogaysiisay dhamaan dugsiyada waxbarashada in dugsiyad la furi doono August 15-keedda.

Hase yeeshee waxay dugsiyada gaarka loo leeyihiin codsadeen in bisha August 3-deeda laga dhigo, haseyeeshee wasaaraddu waxay is taagtay meel dhexe oo ah in bisha August 10-keeda laga dhigo, iyaguna way ogolaadeeen.

Qolooyinka dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ogaadeen in bisha August tobankeeda Cidii Carafo ku beegan tahay oo ay dib ugu dhacayso wakhtigii wasaaradu doonayso ee 15 August.

Taasina aanay u saamaxeen inay lacag ku urursadaan maadaama oo ay doonayeen in bisha August 3-deeda marka la soo gallo inta ka hadhay Ciidda lacagta ardayda laga ururiyo, hadii ay 15-keedda uga dhacdo aanay suurogal noqon Karin in ardayda bisha badhtankeeeda lacag la waydiiyo.

Wasaarada lafteedu waxay diidanayeen in ardaydii oo aan wax loo dhigin markay soo galaan fasax ciid hadana lacag laga ururiyo sidaas ayey ugu adkaysatay inay ku beegto maalinta ciidda fasaxana lagu xigsiiyo ay noqonayso maalintay rabtay in dib loo furo  oo ay ku beegmayso august 17-keedda.

Markii wasaaraddu u soo dabci wayday waxay go’aansadeen inay amarkii wasaarada jabiyaan oo la furo bisha August-3deeda si ardayda lacag looga urursado.

Si taasi u suurto gashana way is wada dhaarsadeen intooda badan mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaana hadda ku balansan yihiin in toos loo furo bisha August 3-deeda.

Hadii ay sidaas sameeyaan oo lixda subaxnimo furaan dugsiyada oo iyado la dhiganayo ciidanka amnigu isku dayaan in dugsiyada laga soo dareeriyo ardayda waxa dhacaysa inay isku dhacaan ardayda iyo ciidanka, wayna adag tahay in arday badan oo dugsiyadii ku jira la soo dareeriyo, taasi oo abuureysa buuq iyo inay iska hor yimaadaan ciidanka iyo ardaydu.

Hadii maamulayaasha dugsiyada la xidhana dhibaatadii waxay ku dhacaysa uun shaqaale miskiin ah waayo ninka maamulihii waa shaqale la amrayo ee hadii cid khalad la saarayo ama la xidhayo waxa iska leh mulkiilayaasha.

Sidaas darteed,  hadii maamulayasha la xidhayo iyo hadii ardayda oo xiisadii ku jira laga soo dareeriyaba midna ma fiicna talaabo wanaagsanna maaha.

Car iyo wirta ka taagan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaarada waxbarashaddu waxaynu eegi doonna maalmaha soo socda cidda teedu hirgasho iyo siday wasaaraddu arrimahaasi u maareyso.

Waayo? sanadkii hore odayaal ganacsato ah ayaa dhexgashay, maanta inay odayaashii dhexgalaan iyo in si kale loo furdaamiyo baynu la socon doonnaa.

SAMSUNG CSC

W/Q: Weriye Barkhad-ladiif Maxamuud Cumar

Hargeisa/Somaliland.

LEAVE A REPLY