Cali Gurey: Somaliland Nidaamkii Xisbiyada Badan iyo Doorashoyinka Waxa Fashiliyay Doorasho-diid

0
2030

Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa ka hadley fashilka markasta ku yimaada in Somaliland doorasho ka dhacdo.

Cali Gurey ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah ay fashiliyeen doorasho-diid.

Waxa uu sheegay in qabsoomida doorashooyinkaasi ay aakhiro u direen muddo kordhin ay heshiis ku yihiin intii dadku ay doorteen oo marka ay muddo xileedyadoodu dhamaadaan ka dagaalama inay doorasho qabsoonto kuna dagaalamaya sidii ay kuraasida ugu sii dheganaan lahaayeen.

Siyaasi Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga waxaanu u dhignaa sidan:-

“WAA IN DOORASHADU XILIGEEDII KU QABSOONTAA: IMISA AYAYNU MAQLAYNAY?

Somaliland nidaamkii xisbiyada badan iyo doorashootinka tooska ah waxa fashiliyay doorasho-diid. Waxa aakhiro u diray wax la yidhaa muddo kordhin oo ay heshiis ku yihiin intii dadku ay doorteen oo marka muddo xileedyadoodu ay dhamaadaan ka dagaalamaya inay doorasho qabsoonto kuna dagaalamaya sidii ay kuraasida ugu sii dheganaan lahaayeen.

Xaalku doorasho maaha waxa looga fadhiyaa ee waa muddo kordhin lagu sugayo muddo kordhin kale. Inta ka hadhsan Muddo Xileedka Madaxtooyada loogama fadhiyiyo inay qabsoomaan doorashooyinka muddo dhaafay ee muddo dhaafay ee muddo toban sanadood ka badan muddo kordhinta aan sharciga ahayn ee qasabka ahayd kuraasida lagu xejisanayay ee ii kordhi aan kuu kordhiye adna korodhso uun xaalku ahaa. Hadda muddo korodhinta intii hore waxaba la filayaa in muddo kordhinta xisbiyada iyo Madsxtooyaduna ay ku soo biiridoonto sanadka 2022ka.

Labada doorasho ee la isa saaray lafteeda ayaa xeelad kale ah oo lafteedu gogol xaadh u ah muddo kordhimo kale hadii aan labada doorasho la kala qaadin oo ta Golayaasha Degaanada lagu beegin dhamaadka 10kii sanadood ee sadexdan xisbi si loo furan karo ururo siyaasadeed. Hadii doorashooyinka oo sidan isu saaran la qabto dheh 2022ka ama ka dib waxa tartami doonaa waa sadexdan xisbi uun. Shan sanadood ka dib 2027ka hadana muddo xileedkoodu isku mar ayuu dhamaan doonaa.

Markaa hadana waa in mar kale la isku doortaa. Yaa geli doona een ahayn sadexdan xisbi? Markaa mustaqbalka Somaliland yaa saadaalin kara sida uu xaalku noqon doono? Anigu kolay garan maayo.

Ama ha noqoto in la badbaadiyo nidaamkii hore ee la fashiliyay ama xal badiil ah ha la doonaba eh horta ma lagu heshiin karaa. Haa haddii daacad laga yahay oo danta guud mudnaanta laga siinayo danaysiyada gaarka ah, taasina way ku adag tahay danaystayaasha doorasho diidka ah ee tooda oo keliya mar kasta mudnaanta siinaya. Markaa aniga xagayga Maxamed Xaashi hadalkiisu waa nin isagu iska yidhi sidii uu jeclaa balse inay suurogal noqon kartaa waa wax kale oo aan isaga ku xidhnayn. Imisa ayaynu maqlaynay ( WAA IN DOORASHADU AY XILIGEEDII KU QABSOONTAA.

LEAVE A REPLY