Cali Gurey oo Si Weyn Uga Dar-daar Weriyay Isku Shaandhaynta Uu Madaxweyne Biixi Ku Samaynayo Xukuumaddiisa

0
3021

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa waxaa uu si weyn uga dar-daar weriyay isku-shaandhaynta la filayo inuu Madaxweyne Biixi wakhtigan ku sameeyo xukuumaddiisa.

Cali Gurey, ayaa sheegay in isku shaandhaynta la filayo inuu sameeyo Madaxweyne Biixi ay noqon karto wax aan ahayn“Kud ka guur oo qanjo u guur”.

Siyaasiga, ayaa waxa uu ku dooday inay dhaliishu dul-hoganayso magacaabisaha uu sameeyo Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu sheegay ilaa maalintii ugu horeysay ee Madaxweyne Biixi uu xukuumaddiisa soo dhisay ay dhaliilaheedu jireen, islamarkaana uu ogsoonaa oo siday ahayd uu raalina kaga ahaa.

Cali Gurey, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu diyaar u ahayn inuu xukuumadiisa waxka bedel ku sameeyo.

“Isku shaandhaynta uu wakhtigan samayn karo Madaxwayne Muuse ma noqon karto wax aan ahayn KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR. Ilaa maalintii ugu horeysay uu xukuumaddan soo dhisay dhaliilaheedu way jireen waanu ogsoonaa hadana siday ahayd buu ku jeclaa raalina kaga ahaa.”ayuu yidhi Siyaasi Cali Gurey.

“Maanta lafteeda sidaa ay tahay in uu raali kaga yahay ayay u badan tahay. Laga yaabaa in dhawr hebel uu ku bedelo dhawr kale si loogu qaato in uu wax bedelay laakiin hadii xukuumadiisa in wax ka bedel run ah ku sameeyo diyaar u yahay mar hore ayuu samayn lahaa waanu u baahnaa in uu ku sameeyo”.ayuu intaasi ku daray hadalkiisa.

LEAVE A REPLY