Cali Cabdi Diini: Macalin iyo Rukun Warbaahinta Ka Baxay.

0
1784
Marxuum Cali Cabdi Diini

Talo, Tusaale iyo Shaqada aad hayso wixii kaa khaldama sixitaankeeda waa mid ka mid ah dabeecadihii Cali Cabdi Diini aan ku aqaanay intii aanu is baranay ee uu ii ahaa Macallinkii dhinaca warbaahinta.

Cali oo Warbaahinta Qoraalka gaar ahaan Wargeysada u badnaa ayaa waxa uu wax ka soo dhisay warbaahinta Somaliland, isaga oo sidoo kale ahaa macalinka Ardey badan oo ka aflaxday dhinaca warbaahinta.

Wakhti ka mid ah xilligii uu macalinka ii ahaa waxa uu noo sheegay in Radio Hargeysa markii ay taalay Garoonka Kubada Kollayga ee Timacade uu ka mid ahaa Suxufiyiintii ka shaqayn jirtay iyada oo xabadu dhacayso, isla markaana mushahar iyo dhaqaale toona ka sugi jirin ee ku hamiyi jiray inay heer gaadhsiiyaan oo qarankooda u shaqeeyaan.

Cali intaan ku aqaanay qofka uu macalinka u yahay wixii ka khaldan sixitaankeeda kalama gaban jirin, sidoo kale waxa uu ahaa qof Shaqada uu qabanayo u daacad ah, waxaanan ka xasuustaa hal haysyada uu nagula dardaarmi jiray, “qofka jaceylka iyo nacaybka aad u qabto yaanu qalinkaaga (warkaaga) aad bulshada u baahinaysaa ka muuqan oo aad wixii xaqiiqo ah adigoon aragtidaada ku darin bulshada u tabisaa”.

Sidoo Kale waxaan ka xusuustaa in mar kasta oo aad aragto uu ahaa qof talooyinka iyo waayo aragnimada kula wadaaga, waxaabay nagu qaadan jirtay saacado badan inaanu xafiiska ku sii raagno marka shaqada la dhameeyo isaga oo waayo aragnimadiisa kula wadaagaya.

Maanta ayuu Cali Cabdi Diini God galay oo xaqii u yimid waxa kaliya ee aynu u tari karnaa waa inaynu u ducayno oo aynu ALLE u weydiinoo inuu Naxariistii jano ka waraabiyo.

Sacad Aw Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here