Cadceedii Qabyaalada Gabiley Oo Gabalkeedii Dhacay By: Naasir Meecaad.

0
1561
Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi PHOTO FILE

Maayarka Magaalada Gabiley Mudane:Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Marka Laga Reebo Dhinaca Wadooyinka Oo uu Wax Yar ka Qabtey, Ma Jirto Wax Wayn Oo Waxqabad ah Oo Lagu Majeerto Oo uu Qabtey.

Dadka Reer Gabiley ayaa Ku Sifeeyay Inuu Yahay Ababiyaha Qaybiyaha Qabyaalada.Tani ayaa Mar Kastaba ah Mid Sida Cadceeda kuugu Muuqanaysa Aanad ka Dareemayso Waaxyaha Kala Duwan Ee Xafiisyada Dawlada Ee Gobolka.Marar badan ayaa Lagu War helay Isagoo Dagaal Kaga Jira Iskuduwe Aan Reerkooda ahayn Oo Loo Soo Magacaabay Wasaarad Sidii uu ugu Badeli lahaa Iskuduwe ay Isku Reer Yihiin, dhawaan Waxaan Idiin Soo Tixi Doonnaa Inta Wasaaradood Iyo Xafiis Dawladeed Ee ay ka Hawlgalaan Dadka Ay Isku Qabiilka Yihiin Qabyaaladeystaha Yar Ee Maxamed-Amiin.

Muddo Kontan Sanno Ka badan Oo uu Aabihii Macalin ka Ahaa Degmada Gabiley Sumcad Sharaf iyo Milgo Aad u Wayna uu Ku Lahaa Magaaladani,Ayaa Waxaa Hadhuudhlaha ku Daray Muddo Shan Sanno ka Yar Inankiisa Maxamed-Amiin Cumar Cabdi.

 

Maxamed Oo Ahaa Inan Loo Hanwaynaa Dadka Reer Gabileyna Si Isku Mida U Soo Dhaweeyeen Markii Loo Doortay Maayarka Magaalada Gabiley,Ayaa Noqday Mid Talada Ka Qaata Saawiyadda Ay Jifada Reerkoodu Fadhiistaan.Tani ayaa Dhaxalsiisay inuu Noqdo Maayar Ku Sifooba Kala Qaybinta Bulshaddii Dooratey,Waxaa Arrimahaa Aan Soo Sheegnay Markhaati Cad u ah Inagoon Waxyaabihii Hore Ee Qabyaaladeysnaa Aan Tusaale U Soo Qaadanayn Kuwa Hadda Socda Oo ah Markii Ay Hadda Isqabteen Qaybo badan Oo Xildhibaanada Golaha Deegaan Gabiley Ka Mida Waxuu Baraha Bulshadda u Adeegsaday Ciyaalka Ay Isku Xaafada Yihiin Ee Baraha Bulshadda Isticmaala Qaybo badan Oo Ka Mida Iyo Qaar Saxaafad Sheegta Oo Toos ugu Xagliyey Inankooda Qabyaaladeystaha ah Sidii ay U Difaaci Lahaayeen.

Balse Kooxahan ayaa ilaabay Inaan Indhaha ku Hayno Dhaqdhaqaaqa uu Samaynayo Cadceeda Qabyaalada Gabiley Ee Gabalkeedu Dhacay!!.

Waxaa Yaab Iyo Wax lala Yaabo ah Markii Qaar Kooxahaa ka Midi Eedo Culus u soo Jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Oo Amar Siiyay Maayarka Magaalada Gabiley Inuu Xilkiisa u Guto Si Dhexdhexaada Xaqna ay u leeyihiin Inay Kalfadhiyo Qabsan Karaan Xildhibaanada ka Soo Horjeedaa.Ayaa Waxaa Hadda Qaybo Website-da Afka Soomaaliga Wax ku Qora Waxaa Eedo Culculus Oo Inuu Wasiirku Soo Faragaliyey Lagu Sheegayo Lagu Soo Qorayaa Website- dadaa.

Haddaba Waxaa la Joogaa Gabal dhacii Qabyaalada Gabiley Ka Arrimisa.Waxaana Hadda Inaga Xiga Oo Qudha Inta Kalfadhi Aan Caadi ahayn ay Qabsanayaan Golaha Deegaanka Gabiley.

Waxaan Guul u Rajaynayaa Xildhibaanada Isbedel Doonka ah Ee Degmada Gabiley.

Lasoco…..

Naasir meecaad – Gabiley

……………………………………

FG: Shabakadda HargeisaPress, marnaba Masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here