Cadami iyo Cali Buureed Oo ay Ka Biyo Diidsan Yihiin Madaxdhaqameedka Warsangali Ee Ku Sugan Hargeysa iyo Dareenadda Kasoo Baxey

0
1048

Hargeysa— Salaadiinta,Boqorka,Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Toddobaadkii u Dambeeyay ku Sugnaa Caasimada Hargeysa, ayaa siweyn uga biyo diidey Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha oo hore, Xilal uga Soo qabtey Xukuumadihii hore ee Somaliland kuwaas oo Beesha Warasangali iyo Madaxdhaqameedka hadda Xiliga ku jooga Socdaalka Hargeysa ugu Suntan innay yihiin Caqabadii kala hortaagneyd Beesha Warsangali iyo Xukuumada Somaliland, kuwaas oo ay ku Tilmaameen in ay Xilalkooda ku dhawrsan Jireen danahooda gaarka ah iyo Dano Shaqsiyeed haseyeeshee, aaney Wax tixgalin ah Fursad usiinin Guud ahaanba Bulshada iyo Shacabka Deegaanada Beesha Warsangali.

Siyaasiyiintan ay Sida Weyn uga Biyo diidsan yihiin Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee ku Sugan Xiligan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo ay Kamid yihiin Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Cali Jaamac(Buureed), iyo Wasiirkii Xukuumadii Udub ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, oo ku suntan Musuqmaasuq ayaa la sheegay in ay Labadii Maalmood ee u Dambeeyay Iska Soo Xaadiriyeen Munaasibado Casuumado ah oo lagu Sooryeeyay Madaxdhaqameedkaasi, iyagoo ujeedadoodu Tahey in ay Sawir la galaan Ergooyinkan oo ay Si Xoogan hadda isu fahmeen Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Islamarkaana, la filayo in ay ka wada hadlaan arimo khuseeya danta Bulshada iyo sidii Xukuumadu Wax uga Qaban laheyd duruufaha Adeegyadda aasaasiga ah ee laga hagradey Mudo dheer Waxaanay Talaabadan isku soo dhex tuurka ahi Guux badan ka abuurtey Munaasibadaha lagu Maamuusayay Madaxdhaqameedkan, oo ay Xubnahaa Wasiirada hore ahaa si indho iskuqabasho ah isugu soo dhex tuureen iyaddoo aan Martiqaadka lagu soo Casuumin loona yeedhin si ay Sawir ula galaan.

Maxamuud siciid

“Waxaan aaminsanahay anigoo kamid ah Waftiga Odoyaasha Warsangali ee Labada Suldaan Boqorka iyo Cuqaashu hogaaminayaan ujeedadii aanu u nimid halkani in ay aheyd in aanu Wax cad oo Macquul ah isla taabano Xukuumada taas, oo ay hadda rajo Fiicani nooga iftiimayso, xaqiiqdiina ma dhacdeen Talaabadani haseyeeshee, Waxa ay maanta ku Suurtagashey habayaraatee majirto Cid Nakala dhex taagani oo Caqabad ku ah sidii Mudo dheer jirtey in Dano shaqsiyaad loogu dhexeeyo Xukuumada Somaliland iyo Beesha Warsangali Waanu ognahay in aanay marna naga gacan madhneyn laakiin Shakhsiyaad la Saaxiib ah Shakhsiyaad halkan Deegaanadayada ku sugan ayaa Shuraako ku ahaa Runtiina maanaan Filayn innay Raggii Qaar kamid ahi intay Maanta indhaha isku Soo qabtaan ay Ergadayada soo dhex fadhiistaan oo Sawir nala galaan Labada Wasiir ee Xukuumadii hore Cadami iyo Cali Buureed iyo Maxamuud Siciid oo Xukuumadii Rayaale katirsanaa oo isaguna ilaa Dawlladii Ina Siyaad ku suntan Musuqmaasuq, gaadhey ilaa Bankiyadii iyo Direyskii isboortiga ayaa meel kasta oo nalaku Casuumayo indhaha isku soo qabanaya Xaasha,e Maanta Waa is qarin lahaayeen Cali Buureed Waa Ninkii Sanaag Bari iyo Laas-qorey Shabaagtii Kaluumaysiga u quudhi Waayay ee Berbera ku iibsadey iyadoo lawada arkayo, Cadamina Wuu garanayaa 40kii Nin ee uu Saaxiibka la ahaa ee uu Dadka Deegaanadaas oo dhan, Maxamuud Siciidna Waxaan odhan lahaa adiga Xisbigaagii iyo Xukuumadaadii Waa dhacdey ee Garoonkii Dhahareed sidii ayuu u Qaawan yahey”Sidaa Waxa yidhi Oday Axmed Maxamuud oo kamid ah Waftiga Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Ku Sugan Caasimada Hargeysa.

Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa “Waxaan halkan dardaaran uga jeedinayaa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Cabdirisaaq Cali oo ah Nin aad u Macquul ah, laakiin Siyaasada ku Cusub oo ay Beerlaxawsadeen Ragaasi waarbiska jir oo Madaxweynaha  ha isku seegina Cadami Waxaan Leeyahey, mar labaad si aydaan isku Seegin Bulshada Deegaanada Warsangali iyo Xukuumaddaadaba ka Feejignaw oo Waxba yaanay hoosta kaasoo galin Nimankaa Siyaasiyiinta ah ee hore ugu Fashilmay Xidhiidhkii Shacabka iyo Xukuumada Somaliland” Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey Odey Axmed.

Ergooyinka Beesha Warsangali ee Maalmihii u Dambeeyay ku Sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ku guda jirey Kulano iyo Martiqaad ay u Fidiyeen Beelaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Xukuumadu ayaa lagu Waddaa innay Dhawaan la Kulmi Doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay uga Wada hadlaan arimaha Maxsuulka ah ee ay Weysada usoo Biyaysteen.

News Desk

LEAVE A REPLY