Cabdullaahi Dareewal oo Ka Hadlay Nidaamka Furista Ururada Siyaasada iyo Mustaqbalka Xisbiyada Somaliland

0
2061

Hargeisa (Hargeisa Press) – Cabdullaahi Xuseen Imaan (Cabdullaahi Dareewal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay xeerka doorashooyinka ee golaha Wakiillada horyaal, qaabka ay Xisbiyada Somaliland u dhisan yihiin.

Wuxuu ka hadlay sharcigu wuxuu ka qabo furitaanka Ururada siyaasada marka la gaadho Desember 2022, oo sida uu sheegay ay ku egtahay mudada axsaabta maanta dhisan.

Cabdullaahi Xuseen Imaan, oo warbaahinta qaarkeed kula hadlay maanta magaalada Hareysa, ayaa duray  heshiiska ay saddexda Xisbi gaadheen dhowaan ee ahaa in la qabto doorashooyinka mararka baddan dib u dhacday.

Wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay mid ay ka eegeen oo kaliya maslaxadooda, balse aannay waxba iska weydiin waxa ay noqonaayan marka la gaadho xilliga sharci ahaan ay ruqsada Xisbiyadu ka dhammaanay Desember 2022.

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay axsaabta mucaaradka oo uu sheegay in aannay muuqan doorkii looga baahnaa ee ay ku sixi lahaayeen Xukuumadda, isagoo tilmaamay in haddii la waayo Xisbiya mucaarad ah ay dawladdu waxay doonto samaynay.

Cabdullaahi Dareewal, ayaa dhanka kale dhaliilay ku dhaqan la’aanta sharciga, isagoo carabka ku dhuftay in qof walba sharciga siduu doonayo u dhigo oo aan lagu dhaqmin, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay nasiib-daro weyn.

LEAVE A REPLY