Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ka Hadlay Casriyeynta Dekedda Berbera iyo Damacii Farmaajo

0
2858

Muqdisho (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya, ayaa ka hadlay dib u casriyeynta lagu sameeyay dekedda Berbera iyo damacii Farmaajo ee uu kaga soo horjeestay dekedda Berbera iyo horumarka Somaliland.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu hore isku dayay inuu is hortaago madxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

“Farmaajo iyo xukuumaddiisuba waxay ka hor yimaadeen ballaadhinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale waxa uu dowladda wakhtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun.

“Mowqifkeennu maalitaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in aanay dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.”

“Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaadhinta dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yidhi qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY