Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farmaajo Uga Digay Qorshe Uu Ku Doonayo Mudo Kororsi

0
2257

Muqdisho (Hargeisa Press)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka digay isku day muddo kororsi oo uu sheegay in uu wado Farmaajo waddo, kaasi oo wada-hadalladiisa ay ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook waxa uu ku yidhi “Maalmahan Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa afartaa nin ku sheegay in yihiin Madaxweyne Faramaajo, ra’iisal wasaare Khayre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha oo arrinkan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan afateenaan iyo adeer Madeira isku raacno cid kale looma baahna.”

“Haddii dalkan afar nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsanayaa. Ee Soomaaliyey haddii afartaas nin Dastuur iyo doorasho diidaan sow la mid maaha ‘Juxihii laantii uu saarnaa jarayey’”.

LEAVE A REPLY