Cabdiraxmaan C/shakuur: “Somaliland Wax Loo Reebtay Ma Laha”

0
1029

Muqdisho (Hargeisa Press)- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka Soomaaliya ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay waxyaabaha hor-taagan inay dib u furmaan wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku ay sabab u tahay hakadka ku yimid wada-hadaladaasi, isla markaana ay sameysay waxkasta oo ay ku sii fogeyn karto Somaliland, midaasi oo ku sheegay inay lumisay suurta-galnimadii ay dib ugu furmi lahaayen wada-hadaladaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa kale oo uu si adag u dhaliilay maamulka Farmaajo, kaasi oo uu ku tilmaamay mid fidno ka kicinaya Somaliland, isagoona xusay inay sii lumineyso nidaamkii faderaalka.

Cabdiraxmaan ayaa weliba si gaar ah Farmaajo ugu dhaliilay sawir uu dhowaan la soo galay Kornayl Tuke, oo deegaanada Somaliland ka geystay dambiyo ka dhana bini-aadanimada.

“Somaliland wax loo reebtay malaha, anigu waxaan ahay dadkii u horeeyay ee ka qeyliyay, waxaa laga joojiyay mucaawinadii oo la yidhi ha la soo marsiiyo halkan, oo markii hore qaab ka duwan mucaawinada loo siin jirey” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuuna intaas kusii daray “Fidno ayaa dhexdeeda inta la abaabulay laga soo kiciyay, oo dad intay dowladda ka tageen deegaanadaasi fidno ka soo kiciyay. Waxkasta oo Somaliland ku sii fogaan kartana waa la sameeyay”.

“Qof loo haysto inuu ku xad-gudbay muwaadiniin deegaankaasi Somaliland ka soo jeeda oo maxkamado Mareykanka ka dacweeyeen ayuu Madaxweynihii isla sawiray oo uu weliba soo garab istaagay”.

Siyaasi Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda federaalku ay marba marka kasii dambeysa ay qaadeyso talaabooyin ka dhana Somaliland, midaasi oo uu sheegay inay god madow ku sii rideyso wada-hadalada labada dhinac.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY