Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ?

0
1290
Mowliid Aadan Cumar PHOTO FILE

Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ahaan kuwa Hal-abuurka ama Suugaanta iyo guud ahaanba waxa keliya ee Somaliland ka wada dhexeeya ee hormoodka u ah, Dawladnimadeena iyo Madax-bannaanideena waa Ciidammada Dalka qaybahooda kala duwan, sidaasi awgeed waxaan leeyahay Abwaannada yaryar Casriga ah iyo Abwaanka Suxufiga ah Cali Seenyo waxay ahayd inaad Shacabka u soo bandhigtaan Barnaamijyo Wacyi-gelin ah oo kor loogu qaadayo Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Ciidammada Dalkeena, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Ciidammada dalka.

Waxaan leeyahay Abwaannada aan kor ku xusay waxaad tihiin kuwii Bulshada ku jihayn lahaa Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Cadowga Hor-taagan iyo kuwa Nabadgalyada gudaha Dalka u heeganka ah ee Booliiska iyo Asluubta. Sidaasi darteed waxa la idinka sugayaa waa Wacyi-gelin taas, balse nusqaan iyo sharaf jab bay idinku tahay inaad Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibeddaba uga gudbisaan af-xumo iyo eedayn qaawan Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ciidammada Booliiskaba.

Waxaan ku soo af-meerayaa Qormadan Cabdillaahi Fadal waa Hoggaamiye khibrad iyo adkaysi u leh Ciidammada Booliska, ee waxaan leeyahay Shacabka Somaliland waxa innagu waajib ah inaynu daryeel iyo Taakulo la garan galno guud ahaan Ciidammadeenna.

Wa billaahi Tawfiiq

W/Q: Mowliid Aadan Cumar

 

LEAVE A REPLY