Cabdikariin Axmed Mooge: Murashax-nimadaydu Waxay U Taagan Tahay Midnimo Dadka Reer Hargeysa Aan Dantooda Ku Mideeyo

0
2439

Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasi Cabdikariin Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in uu u taagan yahay tartanka golaha deegaanka caasimada Hargeysa ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Cabdikariin Axmed Mooge oo hore u soo noqday wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland ayaa sheegay in murashaxnimadiisu ay u taagan tahay sidii dadka shacabka reer Hargeysa uu dantooda ugu midayn lahaa.

Siyaasigan ayaa sheegay in uu mudo dheer u soo shaqaynayay bulshadiisa, imikana doonayo in uu ka qayb qaato horumarka caasimada Hargeysa.

Waxaanu uu timaamay in caasimada Hargeysa ay u baahan tahay goledeegaan oo horumar gaadhsiiya, balse aanay u baahnayn in loo kala abtiriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here