CABDI SHAKUUR MAXAMUUD CIDIN MAAAYAR AAN MUDNAYN IN LA XAJIIMEEYO Qalinkii Cabdicasiis Maxamed Maydhax

0
1238

Dalkan jamhuuriyiadda Somaliland tan iyo intii ay qaateen, hanaanka dimuqraadiyada ee lagu soo doorto madaxwaynaha iyo golayaasha sharci dajinta iyo deegaanka ama dawladaha hoose waxa la dareemi karaa ama aynu ka baranaa hadba cida ama masuulka fuliyey ujeedadii loo doortay,halka qaarkoodna ay isla markii loo dhaariyey xilka ay baal mareen
golayaasha deegaanaka ee dalka oo la doortay sanadkii 2013kii waxa  markale la doortay golayaal deegaan oo badalay golayaashii hore waxaanay degmo kasta xildhibaanadii u soo baxay iska dhex doorteen maayar iyo kuxigeen hogaamiya golahaasi waxaanay arintaasi noqotay mid muujisa masuulka si sharci ah u gutay waajibaadkii loo doortay qaarkoodna waxay noqdeen kuwa uga, faa.iidaysta sifo kale oo aan ahayn waajibaadkii loo doortay qiimaynta maanta iyo hormoodka maayarada dalka markii aan la sheekaystay shacabka somaliland waxay ka dhiibteen fikrado kala duwan oo si cad u sheegaya, maayarada dalka iyo heerka ay iska taageen shaqadii loo doortay.
DEGMADA BERBERA

mairka ber
degmada berbera waxay noqotay mid nasiib u hesha inay labadii gole deegaan ee u kala dambeeyey, ay uga soo baxaan xildhibaano iyo maayar ku haboon degmada berbera
cabdi shakuur maxamuud cidin wuxuu ka soo baxay xibiga ucid waxaana loo doortay maayarka magaalada berbera masuulkani waxay dadku ku tilmaameen masuul kala saaray xilka loo doortay iyo xisbiga uu ka soo baxay waxaanu xil iska saaray gudashada shaqada iyo waxka qabashada baahida degmada berbera oo ah magaalo xeebeed ay ku taalo dekeda somaliland taasi waxay muujinaysa inay berbera tahay mid ka shaqo badan oo ka  hawl badan degmooyinka kale ee dalka marka lagu daro caasimada hargeisa, waxaanay noqotay degmada xaga qashinku si xad dhaaf ah uga soo baxo meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin bada beriga dekeda iyo qashinka ay dadku soo saaraan hanadana waxay noqotay, degmada ugu nadaafada badan dalka guud ahaan, hadii aad booqato waxaad arkaysaa, inay golaha deegaanku ay xil wayn iska saareen inay berbera noqoto meesha ugu nadaafada badan, isla markaana loo sameeyey nidaam qorshe oo lagu maamulo qashinkaasi, waxaanu cabdi shakuur maxamuud cidin ku kasbaday in golihiisa deegaanku ay kalsooni buuxda siiyaan halka golayaasha kale badi ay ku hawlan yihiin sidii ay u ridi lahaayeen maayarka ama loo siin lahaaa lacago sharci daro ah oo maayarku ku kasbado ama ku laaluusho xubnaha golaha ka tirsan ee olaha ku haya taasina waxay keentay inay degmooyinka qaarkood ay u soo hoyato dayn xad dhaaf ah wax qabad la,aan iyo arimo curyaamiyey shaqadii loo igmaday arintaasi waxay saamaynteedu ka muuqata degmoooyinka boorama iyo gabiley, inkastoo gabiley ay yeelatay maayar cusub oo la filayo inuu isbadal ka sameeyo baahidii uu ka tagay maayar shucayb maxamed muuse
waxaana haboon in la golayasha deegaanku ku daydaan golaha deegaanka ee degmada berbera oo ah hormoodka golayaasha deegaanka dalka
sidoo kale waxa degmada berbera u dheer oo markale ay nasiib u heshay in loo magacaabo xoghaye la mid ah maayarka oo ah suhayb maxamed cali, oo dadku ay ku tilmaameen in qayb
wayn ka yahay waxbaqadka iyo horumarka degmadaasi,
gabagabdii waxaan u soo jeedinayaa shakhsiyaadka caadaystay inay warbaahinta qaarkeed ku qoraan dhaleecayn waxba kama jiraan ah inay ka faafiyaan maayar inay ka dheeraadaan ceebaynta maayarka degmada berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here