Caabuqa COVID-19 Ama Coronavirus Hadba Sida Loo Yaqaan

0
1703

Waxa uu noqday halis weyn oo dunida soo food-saartay. Adduunyada horumartay ayaa noqotay halka uu ugu badan yahay caabuqani iyana si weyn ayey u la tacaalaysaa itaalkeeda waase ay kari la’dahay ilaa iyo hadda tiro ahaan na waa uu ku sii kordhayaa Yurub iyo Maraykan oo xariiqdu (trend) kor ayey u socotaa.

Weli si wanaagsan uma uu soo gaadhin dunida qalabka yar ee haynteedu hoosayso ee loo yaqaan dunida saddexaad oo aynnu qayb ka nahay, gaar ahaan dalalka ugu sii liita dhanka adeegga caafimaadka. Dad ahaan, waxa aad mooddaa in aynnaan war badan ka hayn khatarta caabuqa, itaalkeenna yar iyo weliba dhaqankeenna oo ah mid si dhib yar u fidin kara caabuqa maaddaama oo aynnu nahay ummad is-huwan ah oo hoosta isaga wadajirta xanuunnada fidana si fudud u kala qaadi karta.

Waxa hubaal ah in haddii caabuqa Coronavirus dalkeenna soo galo aynaan u maaro heli doonin oo uu amsaxa innaga sameyn doono. Haddaba su’aashu waa sidee ayeynu u ga hortagi karnaa caabuqa Coronavirus ee aynaan itaal ahaan iyo farsamo ahaan sinaba isaga caabin karin haddii uu gudaheenna soo galo?

Xanuunka kani hal meel keliya ayuu innaga soo gali karaa waana furdadaha (xuduudaha) waddanka, gaar ahaan dadka ka imanaya Aasiya, Yurub, Maraykan iyo Itoobiya cidda ay doonaan ha noqdaan eh. Waa halka aynnu u baahan nahay in aynnu ka hortagga ka bilowno. Waa meesha keliya ee aynnu farsamo ahaan iyo itaal ahaan haddii aynnu dedaal badan galno isaga caabin karno caabuqa. Wasaaradda Caafimaadku waxa aannu soo jeedin lahaa in wakhtigan ay xuduudaha ku tuntuunsato sida bad, barri iyo cir.

 

Qalinkii: Mohamed O. Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here