C/shakuur Cidin Oo Mar Kale Loo Doortay Maayarka Berbera

0
501

Berbera (HP): Xubnaha golaha deegaanka degmadda Berbera ee dhawaan la soo doortay ayaa maanta iska dhex doortay maayar iyo maayar ku-xigeenka shanta sanno ee soo socota hogaamin doona golahaasi.

Waxaana jagadda maayarka Berbera mar kale loo doortay C/shakuur Maxamuud Cidin, oo todobadii sanadood ee ina dhaafay maayar ka ahaa isla Berbera.

Fadhiga maanta ee golaha deegaanka Berbera waxaa goob joog ka ahaa wasiirrada arrimaha gudaha iyo hawlaha guud, badhasaabka Berbera iyo masuuliyiin kale.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY