C/raxmaan Saylici Oo Shir-guddoomiyay Shirka Guddiga Mashruuca JPLG

0
633

Hargaysa (HP): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay yeesheen guddida maamul-daadejinta ee mashruuca JPLG-ga.


Shirkan waxaa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayay maayarrada degmooyinka kala duwan ee maamul-daadejintu ka socoto iyo madaxda wasaaradaha hawshani sida tooska ah ula xidhiidho.
Waxaana lagu falanqeeyey arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin heerka maamul-daadejineed ee laga gaadhay degmooyinka mashruuca maamul-daadejinta laga hirgeliyey iyo qiimayntooda.
Iyadoo sidoo kalena lagu ansixiyey waxyaabihii kasoo baxay shirarkii kala duwanaa ee guddida farsamo ee maamul-daadejinta isugu yimaadeen.

Sidoo kale, waxa intii shirku socday madaxdu isla garatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha maamulka lagu daadejinayo, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada Aas-aasiga ah ee muhiimka ah.



Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY