“Buurmadow Boqornimadiisu Meel Sare Ma Gaadhsiisna, Hana Ka Fiirsado Foolxumaduu U Soo Jiidayo Beelaha Somaliland..” Suldaan Maxamed C/qaadir

0
829

Hargeisa (Hargeisa Press)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland islamarkaana ah Suldaanka guud ee Beesha Ciidagale ayaa hadal gef ah ku tilmaamay raali gelintii uu Boqor Buurmadoow Jabuuti ka siiyay eedaymihii Faysal Cali Waraabe u jeediyay.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa waxaa uu sheegay in uu yahay Suldaanka Faysal oo aanu Boqor Buurmadoow xaal ka bixin karin eedaha uu u jeediyay Jabuuti.

Waxaa kale oo uu sheegay in Buurmadoow boqornimadiisu aanay meel sare gaadhsiisnayn islamarkaana uu ka fiirsado foolxumada uu u soo jiidayo beelaha Somalialnd.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa wuxuu sheegay in aanay raali ka ahayn fara gelinta Buurmadoow fara geliyay Faysal Cali Waraabe.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY