Buugga Sama-Doon Oo Hargaysa Lagu Soo Bandhigay

0
1192

Hargaysa (HP): Waxaa magaaladda Hargaysa lagu soo bandhigay buugg uu qoray abwaan Ismaaciil-jiheeye, oo ka mida abwaaniinta da’da yar ee Somaliland.
Buugaasi oo magaciisa la yidhaahdo SAMO-DOON, ayaa ka kooban laba qaybood.


Qayb ka hadlaysa suugaanta uu curiyay abwaan Ismaaciil Jiheeye, iyo qaybta labaad oo ka hadlaysa cilmiga fanka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
Munaasibadii lagu soo bandhigayay buugaasi oo xalay lagu qabtay xarunta dhaqanka ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirro, siyaasiyiin.
Aqoon yahanno, qoreyaal, abwaano, bahda dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kale.
Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Munaasibadaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY