Buug Lagu Soo Ururiyey Waxqabadkii Sannadka Koowaad ee Xukuumadda Muuse Biixi oo la soo Bandhigay

0
1180

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda  Somaliland ayaa  xaflad ballaadhan maanta ku soo bandhigtay buugga waxqabadka Xukuummadda Muuse Biixi ee sannadka koowaad, kaasi oo lagu soo ururiyey waxqabadkii u hirgalay sannadkii hore 2018.

Buuggan oo ka kooban shan tiir oo kala ah Siyaasadda, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, waxaana soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.  Waxa buuggaas maanta loogu xafladeeyey Huteelka Grand Haddi ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirro, masuuliyiin ka socday xisbul-xaakimka KULMIYE , Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo lagu soo martiqaaday madashaas.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY