Burco: Ururka Hiil Caafimaad Oo Fuliyay Hawl-gallo Wacyigelineed

0
909

Burco (HP): Ururka dhalinyaradda ee loo yaqaano Hiil Caafimaad oo ah urur ka dhisan gobolka Togdheer oo muddooyinkan hawl-gallo wacyigelinta caabuqa Covid-19 ka waday gobolkaas ayaa soo gebagabeeyay.

Waxaanay ka warbixiyeen hawl-galadii ay gobolka Togdheer ka fuliyeen tan iyo intii Somaliland laga shaaciyay in xanuunka Corona uu ka jiro.

Masuuliyiinta ururka Hiil Caafimaad oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxay sheegeen in ay barnaamijyo wacyigelineed ka fuliyeen 65 goobood oo kala duwan iyo sidoo kale meelaha baadiyaha ah.

Olo’olahaasi ayaa isugu jiray wacyigelinta bulshadda ee caabuqa Covid-19, iyo hawl-gallo buufin ah meelo kala duwan, sida  sarrriibado, huteello, meheradaha Shaaha, xarumaha shirkadaha iyo meel kastoo ay bulshadu isugu timaado.

Halkan Ka Daawo Masuuliyiinta Ururka Hiil Qaran Oo Arrimahaasi Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY