Burco: Qoysas Danyar ah Oo Ka Cabanaya Masuuliyiinta Dawladda Hoose

0
888

Burco (HP): Dadweyne danyar barokaceyaal ah oo degan xaafadda loo yaqaano Fadh-fadhiisay ee magaaladda Burco ayaa ku eedeeyay dawladda hoose ee Burco in ay musuq maasuq iyo balan qaad been ah u samaysay.

Dadkani oo maanta cabasho la haro tegay xarunta dawladda hoose waxay sheegeen in maayarka Burco uu lacago kaga qaadatay si halkaas looga rarro, balse aan halkiina laga rarrin oo ay weli ku dayacan yihiin.

Inkastoo dawladdda hoose ee Burco ay hore u sheegeen in ay dhamaanba qoysaskii dadnyarta ahaa ee deganaa xaafadda Fadh-fadhiisay ay ka rarreen, isla markaana dejiyeen dhul ay u qoondeeyeen.

Hadana dadkan maanta cabanayay waxay ku doodayaan in ay yihiin qoysas lagaga tegay xaafadda Fadh-fadhiisay, dawladda hoose-na ay u balan qaadeen in ay halkaa ka rarrayaan.

Halkan Ka Daawo Cabashadda Dadkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here