Burco: Meheradda Ganacsiga Haldoor Farniture Oo Xadhiga Laga Jaray

0
1086

Burco (HP): Badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), iyo masuuliyiin kale ayaa maanta xadhiga ka jaray meherad ganacsi oo magaceedda la yidhaahdo Haldoor oo laga hirgeliyay magaaladda Burco.

Meheradan ganacsi ee Haldoor Furniture ayaa iibinaysa ama laga heli karaa qalabka xafiisyadda iyo guryaha oo casri ah. Waxaana hirgeliyay meheradani dhalinyaro iyo aqoon yahano reer Togdheer ah.

Meheradan Haldoor Furniture ayaa hore u iibin jirtay qalabka Kombuyuutaradda iyo xafiisyadda ayaa hadda lagu soo kordhiyay agab kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyadda kaasoo markii hore aan laga heli jirin magaaladda Burco, isla markaana loo doonan jiray Hargaysa.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista meheradan ganacsi waxaa ka soo qayb galay badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer, xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Togdheer, isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Togdheer, taliyaha qaybta ee ciidanka asluubta gobolka Togdheer iyo sidoo kale mulkiileyaasha iyo masuuliyiinta meheradan Haldoor farniture.

Meheradan Haldoor Furniture ayaa hore u iibin jirtay qalabka Kombuyuutaradda iyo xafiisyadda ayaa hadda lagu soo kordhiyay agab kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyadda kaasoo markii hore aan laga heli jirin magaaladda Burco, isla markaana loo doonan jiray Hargaysa.

Sida uu sheegay Maxamed Daahir, oo ah guddoomiyaha meheradan ganacsi ee Haldoor, oo ka warbixiyay noocyadda qalabka ay bulshadu ka heli karaan meheradani.

Halkan ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Xafladaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here