“Bulshadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in qof waliba waxa uu cunayo la soo baxo”…

0
621

Burco (Hargeisa Press.com): Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in qof waliba uu ku dedaalo sidii uu ula soo bixi lahaa wixii uu isagu cuni-lahaa.

Axmed Cali Maax, waxa uu tilmamay in aanu dal-na horumar gaadhin ilaa uu ka kaaf-doomo badeecado shisheeye oo ay dadkiisu ku tiirsanaadaan, isla markaana wadan waliba  uu qorshe ka leeyahay sidii qof kastaaba isagu ula soo bixi lahaa wixii ay bulshadiisu cuni-lahayd.

Agaasime Axmed,  waxa uu sidan ka sheegay kadib kormeer uu maanta  ku tegay mashruuca degaanka Beer ee gobolka Togdheer. Halkaasoo  ay  hada midhaha dalagyadda kala duwan ee  laga beeray ay noqdeen taabo-gal.

Waxaanu yidhi “Degaanka beer oo aanu  sanadkii hore ee 2018-kii  ka beernay ilaa laba boqol oo Higter,  dhab ahaantii waa arrin aad loogu faano oo reer Beereed-na ay tahay inay ku faanan.

Mashruuca Banka Wajaale marka laga yimaado, waa mashruucii labaad ee degaanka Beer, ee dadweynuhu iyagu ay garteen inay dhulkaasi ugu deeqaan dawladda. Taasoo  ay tahay dhiirigelinta la dhiirgelinayo wax-soo-saarka, beeraha waxaa laga bartaa samirka.

Iyadoo aanay hawli-na naga qabsan sanadkan 2019-ka in Hadhuudhkii-ba uu dhalay oo aad Indhihiina arkaysaan”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ayaa fariin u diray guud ahaanba bulshadda reer Somaliland, “Waxaan doonayay in aan fariin u dirro bulsho-weynta reer Somaliland ee Beeraha xagooda u sii jeestay ama kuwa doonaya imika-ba inay u sii jeestaan.

Waxaanan leeyahay waa in aad ku dedaashaan sidii aan ula soo bixi lahaydeen wixii aan cuni lahayn.

Wadan-na horumar ma gaadho ilaa uu gacantiisa kula soo baxo wixii uu cunilahaa, sidee lagu heli karayaa? Ma dawladda oo keliya ayaa laga sugayaa? Mayee   waxaan ku bogaadinaya in qof waliba in aad soo saartid intii aad adigu cunilaheyd marka u horeysa horumarkuna waxaa uu ka bilaabmaa halka hoose.

Qof-na ma gaadho xaga sare isaga oo aan xaga hoose waxba ka soo bilaabin”ayuu yidhi agaasime Axmed.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY