Bulshadda Gabiley Oo Taageeray Mudo Kordhinta Guurtidu U Sameeyeen MBC

0
487

Gabiley (HP): Qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladda Gabiley ayaa muujiyay in ay si buuxda u taageersan yihiin muddo kordhintii dhawaan ay golaha Guurtidu u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xaflad aad u balaadhan oo maanta lagu qabtay magaaladda Gabiley, oo lagu taageerayay go’aankii Guurtida waxaa ka soo qayb galay dad weyne fara badan oo kumanaan qof ahaa.

Dadkii xafladaasi ka soo qayb galay ayaa isugu jiray madax dhaqameed, haween, aqoon yahano, salaadiin, cuqaal, odayaal, waxgarad, iyo dhalinyaro.
Waxaanay xubnihii halkaa ka hadlay dhamaantoodba sheegeen in ay si buuxda u taageersan yihiin xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, iyo muddo kordhintii loo sameeyay.
DAAWO: Qaybaha kala duwan ee bulshada Gabiley oo taageeray mudo kordhinta MBC

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY