Boqor Salman oo Xil Sare U Magacaabay Wiilkiisa iyo Xubno Kale

0
749

Riyadh (Hargeisa Press) – Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo hore u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayay tan iyo horraantii 2018.

Al-Ibrahim ayaa sidoo kale hore xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihii.

Amiirka ayaa hore madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyay ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaadhsiinta iyo taknoolajiyadda.

Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY