Boqor Buurmadow oo Taageeray Raali-gelintii Farmaajo Ka Bixiyay Xasuuqii Somaliland Ka Dhacay

0
1293

Hargeisa (Hargeisa Press)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow) oo ka mid ah Madax-dhaaqameedka Somaliland, ayaa waxaa si weyn u taageeray raali-gelintii iyo cudur daarkii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka bixiyey Xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladdii kaligii Taliska ee Maxamed Siyaad Barre.

Buurmadoow ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadley kulankii dhawaan magaaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, boqor Buurmadoow ayaa ka hadley muranka cakiran ee ka taagan guddida cusub ee Koomiishanka doorashooyinka Somaliland iyo xubinihii is-casiley iyo aragtida uu ka qabo inuu is-casilo Cabdirashiid Riyo-raac.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY