“Boqol iyo Toban Kun oo Qoys in ka Badan ayaa Maanta Dadkeena u Baahan Gurmad Deg-deg ah”

0
820
Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

“Dadkeena reer-guuraaga ah %70 way harraadan yihiin”

Madaxweynaha oo ka hadlay kor-u-kaca qiimaha shidaalka dalka

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in wakhigan ay dalka Somaliland ka jirto xaalad abaareed oo aad u kulul, isla markaana ay gurmad deg deg ah u baahan yihiin in lala gaadho in ka badan boqol iyo toban kun oo qoys oo ka mid ah dadka reer guuraaga ah.

Mudane Muuse ayaa Biixi ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka in ay ka qayb-qaataan taakulada iyo gurmadka loo baahan yahay in lala gaadho dadka jilicsan ee ay baaruhu saameeyeen, si looga samato-bixiyo xaalada qalafsan ee ay ku sugan yihiin, xiligan oo sida madaxweynuhu sheegay ay dadka reer guuraaga ahi harraadan yihiin boqolkiiba todobaatan in ka badan.

Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi waxa uu sidan ku sheegay khudbad dheer uu shalay ka jeediyay daah-furka munaasibad ballaadhan oo shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL muwaadiniinta ugu oggolaatay fursad ay saamiyo ku darsan karaan shirkadda isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta dalkeena waxaa ka jira duruufo adag oo ay ka mid yihiin abaaro iyo biyo yaraan. Hadaad tihiin ganacsatada Idinku canaanan-mayno duruufaha jira oo in badan ayaad gurmad ka gasheen. Sababta oo ah kal hore markii uu dhacay xanuunka Covid19 gurmad badan ayaad ka gasheen oo cidina dafiri mayso kaalintii ay ka ciyaareen shirkadaha dalku iyo tii ka horraysay ee abaaraha, aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa shirkadaha iyo ganacsatada dalka.

Maantana waxaan xasuusinayaa ganacsatada, waxaa inagu soo noqday labadii duruufood. Abaar kulul ayaa jirta boqol iyo toban kun oo qoys in ka badan ayaa maanta dalkeena u baahan gurmad deg-deg ah, maaha dhibaato ku soo socota ee waxay u baahan yihiin gurmad deg-deg ah oo gobolada dalka oo dhan ah.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in dadka reer guuraaga ah ee reer Somaliland intooda badani ay geedi ku jiraan maanta, kuwaasi oo boqolkiiba todobaatan in ka badani ay u baahan yihiin gurmad biyo dhaamis ah oo lala gaadho, waxaanu yidhi “In ka badasn boqolkiiba 60 reer guuraagii maanta geedi ayuu ku jiraa meel kasta waa laga hayaamay waxay u baahan yihiin % 70 in ka badan dadka reer guuraaha ahi in biyo la gaadhsiiyo, sababta oo ah barkadihiina way qalaleen. 

Ceelasha dhaadheer ee dalka laga dhisay waa 388 ceel, laba iyo soddon ceel mooyaane intii kale way shaqaynaysaa, haddana boqolkiiba todobaadan dadkeenu wuu harraadan yahay oo biyo ayay u baahan yihiin.

Markaa shirkadaha waxaan leeyahay duruufaha abaareed ee maanta jiraa way adagyihiin. Dawlad ahaan muddo 45 cisho ah ayaanu hawshan ka shaqaynaynay, hawl badan ayaanu qabanay oo ay ku baxday lacag gaadhaysa 220 kun oo dollar, taas oo aanu gelinay baad iyo biyo. Intaa waxaa dheer biyo dhaamis badan oo ay hay’aduhu ku deeqeen. Markaa ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay hawsha iyo gurmadka halkoodii ka galaan oo ay bilaabaan maanta.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay kor u kaca ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka oo ay bulshadu cabasho xoogaan ka muujisay, isaga oo sheegay in qiimaha shidaalku uu kor u kacay suuqyada dunida sababo la xidhiidha weerar lagu qaaday ceelasha shidaalka ee dalka Sucuudiga iyo xanuunka Covid-19 oo dunida kusoo laba kacleeyey.

“Ilaa shalay waxaynu maqlaynay shidaalkii oo qaali garoobay waa run oo adduunka oo dhan ayuu ka qaali garoobay laba sababood awgood, 1. Waxaa la weeraray ceelashii shidaalka ee Sucuudiga oo Xuutiyiintu weerareen 2. Waxaa soo laba kacleeyay xanuunka COVID-19” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay iyada oo taasi jirto in haddan ay Xukuumad iyo shirkaddaha shidaalku ay dib u eegi doonan qiimaha shidaalka madaama lagu jiro xilli adag oo uu xanuunka Covid-19 fara ba’an ku hayo bulshada taasi oo ay u dheertahay biyo yaraan ka jirta qaybo dalka ka mid ah.

LEAVE A REPLY