Boorame: Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayna u Qabtay Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec + SAWWIRO

0
1115

Borama,(HargeisaPress) –Xafladdan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayasha Prof Tubeec ayaa ka dhacday Rays Hotel Ee Borama.

Waxaana Munasibaddan ka qeyb-galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Hogaan-ka sare ee Xisbiga UCID, Hogaannada garabbada Dhalinyarada, Haween-ka UCID, Masuuliyiiin Xisbiga UCID Ee Heer-qaran iyo Heer-degmo iyo Dadwayne kale.

Waxaa halkaasi khudbado kala duwan oo ay ku soo dhaweenayaan prof Qaasim Tubeec ka jeediyay, Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gobolka Awdal iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxaanay dhamaantood si isku mid ah u soo dhaweeyeen prof Qaasim, waxaanay ku tilmaamay masuul aqoon-yahana oo xisbigu u baahnaa, isla markaana ay aad ugu faraxsan-yihiin in uu maanta prof Qaasim uu ku soo biiray Xisbiga UCID.

Waxaaa isna Halkaasi ka hadlay Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec, oo ka waramay asbaabihii uu uga soo baxay Xisbiga WADDANI, waxaanu sheegay in Xisbiga Laga sheegtay oo uu noqday Xisbi cid qudha ahi ay leedahay.

Ugu dambayn Waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo gacmo-furan ku soo dhaweeyay Prof Qaasim, isagoo sheegay in Xisbiga UCID uu xudun u noqon doono Aqoon-yahanka Somaliland, isagoo carab-ka ku dhuftay in maanta bulshada Somlailand ay ka waayo-arkeen dhibta qabyaalada, isla markaana dhawaan aqoontu ay shaqayn doonto.

Xafladdan oo ahayd mid qabsoomideeda laga dareemay Magaalada Borama, isla markaana si wayn looga soo qeyb-galay ayaa ku soo dhamaatay jawwi-farxadeed oo degen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADII XAFLADA

LEAVE A REPLY