Boorama: Qaadhaan Ururin Loo Samaynayo Helitaanka Mishiin Kelyaha Sifeeya

0
502

Boorama (HP): Waa u muhiim in magaallo kastoo ka mida magaalooyinka waaweyn ee goboladda Somaliland ay bulshadda ku nooli ka hesho adeegyo caafimaad oo ku filan iyo goobihii caafimaadka.

Inkastoo ay Somaliland la qabto wadamo badan oo Afrika ka mida hadan waxaa jira baahiyo caafimaad oo ay qabaan bulshadeeddu.

Kuwaasoo marka ay haleelaan xanuunadda qaarkood adeegyo caafimaad u raadsada wadamadda deriska ah sida Itoobiya iyo Jabuuti iyo xataa wadamo kale oo Turkigu ka mid yahay.

Waxaana arrintaasi sababay iyadoo ay guud ahaanba bulshadda aad ugu soo bateen sanadahan danbe xanuunadda ku dhaca Kelyaha, kaasoo la rumaysan yahay in ay sababaan Dhiig-karka, Macaanka iyo qaar kale.

Iyadoo marka xanuunadda noocaas ah ay haleelaan bulshadda reer Somaliland ay intoodda badan dhakhaatiirtu u sheegaan in aan dalka gudihiisa waxba laga qaban Karin, sidaas darteedna loo dirro wadamadda deriska iyo kuwo kale.

Arrinta keentay in bulshadu ay wadamo kale u raadsadaan daawaynta xanuunadda Kelyaha ku dhaca waxaa sabab u ah in  ay dalkan Somaliland ku yar yihiin mishiinadda lagu sifeeyo Kelyaha.

Marka laga reebo hal mishiin oo yaalla cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa, kaasina waxaa la sheegaa in aanu ku filnayn daawaynta dadka, bukaanadda oo aad u fara badan darted.

Hadaba si arrintaasi looga baxo ama xal loogu hello waxay bulshadda magaaladda Boorama ee gobolka Awdal ku dhaqaaqeen qorshe xal loogu helayo dhibaatadda ka haysata mishiinadda Kelyaha sifeeya.

Waxaana kulan arrintaasi lagaga tashanayo wada yeeshay culimadda magaaladda Boorama iyo dhkahaatiirta magaaladda Boorama. Kuwaasoo isla falan qeeayay sidii loo heli lahaa in Boorama ay yeelato mishiin Kelyaha loogu sifeeyo bukaanadda.

Kulamadaasi kadib waxay isla qaateen culimadda Boorama iyo dhakhaatiirtu in la sameeyo qaadhaan ururin dhaqaale si loo hello lacag lagu soo iibiyo mishiinka Kelyaha lagu sifeeyo.

Culimadda magaaladda Boorama ayaana  khudbadii salaadda Jimcaha ee maanta waxay kaga hadleen baahidda loo qabo in la hello mishiinka lagu baadho Kelyaha, iyadoo ay dadweynahana ku dhiiri gelinayeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaadhaan ururintaasi.

Sidoo kalena qaar ka mida dhakhaatiirta magaaladda ayaa iyagna ku wehelinayay khudbadaha imaamyadda masaajiadda Boorama, iyagoo ka warmayay qiimaha uu mishiinku ku kacayo iyo baahidda loo qabo iyo sidoo kale  sidii bulshadu uga qayb qaadan lahayd lacagta loo ururinayo mishiinka Kelyaha sifeeya.

Maasjidka Hudda ee magaaladda Boorama ayaana ka mid ahaa masaajidadii khudbadii Jimcaha ee maanta lagaga hadlay arrintaasi.

Daawo: Warbixin Laga Diyaariyay Isku Tashiga Bulshadda Boorama Ee Mishiinka Kelyaha Sifeeya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here