Boorama: Jaamacadaha Camuud iyo Haramaya Oo Heshiis Wadda Saxeexday

0
366

Boorama (HP): Jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama iyo jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis is-af-garad oo ah bixinta baraamijka waxbarashadda heerka Master-ka iyo PHD.
Kadib kulamo heshiiskaasi lagaga arrinsanayay oo ay muddo saddex maalmood ah magaaladda Boorama ku wada yeelanayeen maamulka sare ee jaamacadada Camuud iyo madaxda jaamacadda Haraya ee dalka Itoobiya.
Heshiiskaasi waxbarasho ee ay wada gaadheen jaamacadaha Haramaya ee dalka Itoobiya iyo Camuud ee Somaliland ayaa soo gebagabeeyay heshiisyo is af-garad ahaa oo loogu gogol-xaadhayay bilawga waxbarashadda heerka Master-ka iyo PHD oo ay jaamacadda Camuud bixin doonto.


Heshiiskaasi ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah qalin loogu duugay, kadib markii muddo saddex maalmood ah ay wadahadalo u socdeen masuuliyiinta jaamacadda Camuud iyo masuuliyiin ka socday jaamacadda Haramaaya, oo safar ku joogay magaaladda Boorama.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY