Booliska Somaliland oo Digniin Culus U Diray Xisbiyada Mucaaradka

0
970

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay xisbiyada mucaaraka Somaliland, uga digeen in ay qabtaan mudaharaad aanay ogolaansho u haysan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, ayaa xisbiyada mucaaradka ah uga digay in ay abaabulaan mudaharaad aanay fasax u haysan.

“Bannaanbax aan fasax loo qaadan oo rag iska sameeyo oo dad soo kaxaysto, oo dhalinyarada soo kiciyo, waa sharci daro ta u wayn, waana ta booliisku u abuuranyahay in uu ka hortago, wuu ka hortagayaa wixii sharci daro wada”. ayay yidhaahdeen Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland.

Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland, ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqeen in ay booliska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbaxyada.

“Dad waynahana waxaanu ku wargalinaynaa in ay nagu gacansiiyaan arrinkaana ogaadaan”.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la layaaheen mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here