Booliiska JSL oo Shaaciyey inay Hayaan Eedeysane Askari Ku Dilay Hargeysa, Kiiskana Maxkamad u Gudbinayaan

0
296

Hargeysa (HargeisaPress)- Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ganacta ku hayaan eedeysane xalay ku dilay magaalada Hargeysa marxuum Dable Cabdillahi Cali Axmed, dilkaasi oo ka dhacay Saldhiga Macalin Haaruun ee Barriga Hargeysa.

Shir Jaraa’id ayuu shalay Ciidanka Booliisku ku sheegay in xalay lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka booliiska, isla markaana baadhitaan ka dib gacanta lagu soo dhigay eedaysanahii dilka ka dambeeyey.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in dilkaasi si caadi ah oo la mid ah sida dilalka kale u dhacay, isla markaana aanay ka muuqan in qabiil loo dilay, dadka fasiraado kale ka bixinaya dilka, inaanay jirin wax aano ah sida baadhitaanada hordhaca ka muuqata.

Ciidanka booliiska ayaa sidoo kale u sheegay in kiiska muwaadinad la yidhaahdo Sahra Ismaaciil Haaruun u soo gudbisay Ciidanka booliiska la xidhiidha in afduub iyo jidhdil loo geystay baadhitiisa gacanta lagu hayo.

Gabadha cabashadeeda ciidanka booliisku wax buu ka weydiiyey ilaa CID-da waa la geeyey, baadhistii way socotaa, gabadhana waxii cadeymo loo baahdo raadad la raaco waxay sheegtay inaanay garanayn nimankii afduubtay, iyo meeshii la geeyey midna.

“Marka maraga iyo caddeymahu liitaan ciidanka booliiska wakhti badan ayey ku qaadataa baadhitaankiisa. Dadka arrinka wad wada ha ogaadan inaan ciidanku aanu dedaal yareysanayn. Taliyaha ciidanka Booliisku amar adag ayuu ka bixiyey oo qeybaha booliisku baadhistii way ku jiraan.

LEAVE A REPLY