Boggii Uu Twitter-ka Ku Lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Oo La Jabsaday

0
1249

William RutoNAIROBI,(HargeisaPress) —  Waxa La jabsaday Bartii uu Bogga Twitter-ka ku Lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Dalka Kenya, William Ruto, iyadoo aan la aqoonsan cidda Tallaabadaas ku dhaqaaqday.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sidan oo kale loo jabsaday Barihii ay Boggaas ku lahaayeen Ciidamada qaranka Kenya iyo Waliba Hay’ado kale oo isla Kenya ka tirsani.

Kooxaha jabasaday barta twiterka ee madaxweyne ku-xigeenka dalka ayaa bartaasi kusoo qoraya ama soo dhigaya qoraalo aflagaado ah oo ka dhan ah dowladda Kenya.

Kooxaha Jabsada baraha twitterka saraakiisha dowladda ayaa waxay hore u jabsadeen baro badan oo ay leeyihiin siyaasiyiinta kale ee dalka iyo kuwa caalamka iyadoo mararka qaarna ay ku guulaystaan saraakiisha shirkada Twitterka inay dib u soo celiyaan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here