Biden oo Difaacay Go’aankii Uu Ciidamada Mareykanka Kaga Saaray Afghanistan

0
813

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa difaacay go’aankiisii ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan, xilli ay si degdeg ah ay u soo ifbaxday qabsashada Taalibaan, isagoo wacad ku maray inuu soo afjari doono arrinta Afghanistan, isla markaana ayna u gudbi doonin madaxweyne shanaad.

“Ciidamada Maraykanku ma aha inay ku dagaallamaan, kuna dhintaan dagaal ayna ciidamada Afghanistan doonayn inay ka qeybqaadaan,” ayuu madaxweyne Biden ku yidhi khudbad 20 daqiiqo ah oo uu kula hadlay shacabka Mareykanka, taas oo laga sii daayay telefishanka galabnimadii Isniinta.

Biden wuxuu uga digay hoggaamiyeyaasha Taalibaan inay la kulmi doonaan “awood bur-burisa” haddii ay farageliyaan ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan.

Madaxeyne Biden waxaa lagu khasbay inuu u diro ciidamada Mareykanka magaalada Kabul, si loo hubiyo in si nabadgelyo ah looga baxiyo shaqaalaha diblomaasiyiinta Mareykanka iyo dadka rayidka ah iyo sidoo kale muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay Mareykanka oo wajihi kara aargudasho.

Isagoo iska fogeynaya dhaleeceynta adag ee la xidhiidha siyaasaddiisa Afghanistan ee uga imaneysa xubnaha labada xisbiga ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, qaar ka mid ah jeneraaladii hore iyo kooxaha xuquuqda aadanaha, wuxuu madaxweyne Biden go’aansaday inuu difaaco ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dagaalka 20 sano socday oo ay iska dhaxleen afar madaxweyne.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here