Berbera: Xukuumadda Oo Faro Gelisay Khilaafka Iskaashtadda Gaadiidleyda Waaweyn Ee Tawfiiq

0
481

Berbera (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa faro gelin ku samaysay khilaaf muddooyinkan ba soo jiitamayay oo u dhexeeyay maamulka sare ee iskaashatadda gaadiidleyda magaaladda Berbera iyo qaar ka mid ah gaadiidleyda ka tirsan ururkaasi.

Kuwaasoo ka cabanayay guddiga sare ee ururka Tawfiiq oo ay ku midaysan yihiin  gaadiidleyadda kala duwan ee badeecadaha ka qaada dekadda Berbera, ee isaga kala goosha goboladda iyo degmooyinka Somaliland iyo guud ahaanba deegaamadda Soomaalida ee gobolka Geeska Afrika.

Khilaafkaasi ka dhex jira hogaanka iskaashatadda gaadiidleydda Tawfiiq iyo gaadiidleydda ayaana sababay inuu xidhnaa xafiiskii ururku muddooyinkan danbe xidhnaa, kadib markii gaadiidleydu ay guddiga sare ku eedeeyeen in ay lacag lunsadeen.

Sidoo kale hagaanka xafiiska iskaashatadda Tawfiiq ayaa lagu eedeeyay maamul xumo iyo in ay musuq maasuqeen lacago ururku lahaa, taasoo keentay in khilaafkaasi meesha sare gaadhay uu ka dhex dhashay.

Si xal loogu hello arrinta khilaafka u dhexeeya gaadiidleyda ka tirsan iskaashatadda Tawfiiq iyo xubnaha ururkaasi ka mid ka ah ayaa xukuumadda Somaliland waxay soo faro gelisay murankaasi.

Waxaana arrintaasi wax ka qabashadeedda maanta bilaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi.

Iyadoo ay magaaladda Berbera kulan kula yeesheen gaadiidleydda kala duwan ee  xubnaha ka ah iskaashatadda Tawfiiq ee ka cabanaya maamulka sare  ee ururkaasi Tawfiiq.

Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha guud ee wasaaradda jidadka iyo gaadiidka ayaa kulankaasi ay la qaateen xubnaha ururka Tawfiiq  kadib oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeedadda kulankaasi iyo waxyaabihii ay kala hadleen xubnahaasi cabanayay.

Waxaanu tilmaamay in kulanka maantu uu ahaa mid law ah oo wada tashi oo hor dhac u ah kulamo kulamo wada tashi ah oo ay la geli doonaan maamulka iyo xubnaha iskaashatadda gaadiidleydda ee Tawfiiq.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay dhegaysan doonaan aragtidda iyo kifirka soo jeedineed ee qof kastoo ka mid ah iskaashatadda gaadiidleydda ee Tawfiiq, marka ay kulamadda danbe la yeeshaan.

Isagoona xusay in sidoo kale ay jirto guddi ay iska soo dhex doorteen oo 51 xubnood ah, iyo guddi kaloo fulineed oo marka horeba xafiiska gaadiidlayda ka shaqaynayay.

Axmed Abokor, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xafiiskii iskaashatadda gaadiidleydda magaaladda Berbera ee Tawfiiq uu xidhnaado, isla markaana guddigii fulinta ee ururkaasi lagu eedaynayo in ay lacag lunsadeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda jidadka iyo gaadiidka Somaliland ayaa u mahad naqay badhasaabka gobolka Saaxil oo uu sheegay in markii khilaafka iskaashatadu meel sare gaadhay dedaal badan geliyay, isla markaana isku deyay inuu ururkaasi bad-baadiyo.

Iyadoo uu badhasaabku magacaabay guddi ku meel gaadh ah oo sii wadda hawlaha iskaashatadda ilaa inta xal laga gaadhayo khilaafka, maadaama oo ay hawlihii shaqo ee xafiisku is taageen kadib markii guddigii maamulayay ay isaga tegeen.

Geesta kale agaasime Axmed Abokor Maxamed, waxa uu xusay in marka ay dhamaystiraan wada tashiga ay imika wadaan in ay dib u dhisi doonaan ururka iskaashatadda gaadiidleyadda ee Tawfiiq si uu hawlihiisii dib ugu bilaabo.

Dhinaca kale, badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi, oo agaasimaha kulankaasi ku wehelinayay ayaa isna ka hadlay u jeedadda kulanka ay la yeesheen xubnahan ka tirsan iskaashatadda gaadiidleyda magaaladda Berbera ee Tawfiiq.

Iskaashatadda Tawfiiq waa urur ay ku midaysan yihiin gaadiidleyda waaweyn badeecadaha kala duwan iyo alaabooyinka rarrka ah ka daabula dekadda Berbera.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY