Berbera: Wiish Dekedda Yaalay Oo Dab Qabsaday Ku Shuf Beelay

0
678

Berbera (Hargeisa Press.com): Mid ka mid ah Wiishashka Dekedda Berbera ee loo isticmaallo soo dejinta Koonteenaradda ayaa gebi ahaanba shuf beelay kadib markii uu dab qabsaday maanta gelinkii danbe.

Wiishkaasi ayaa la sheegay in aanu shaqadda ku jirin xiliga uu dabka qabsaday, inkastoo dabkaasi markii danbe la bakhtiiyay oo aanu wiishashka kale uga sii gudbin dabku.

Wiishan oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland  xadhiga ka jaray ayaa dab ka kacay uu sababay in khasaare weyn uu gaadhsiiyay, sida uu sheegay maarreeyaha dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi.

“Runtii Dabkaasi wuxuu ka bilaabmay meel uu Wiishku  yaalay ama uu ku parking garaysnaa. Wiishkani shaqada kumuu jirin.

Inkastoo baadhistu socoto oo ay dambayso, wiishkaasi dabka qabsaday waxaanu filaynaa inay tahay shoodh. Dabkiina waanu bakhtiinay.

Balse khasaare  faro badan ayuu gaadhsiiyay wiishka dabku” ayuu yidhi Siciid Xasan C/laahi maareeyaha Dekedda Berbera oo la hadlay HCTV.

Geesta kale maareeyaha dekedda Berbera waxa kaloo uu intaasi u daray in khasaaraha dabkaasi uu gaadhsiiyey wiishka ay tahay khasaare laga xumaado, balse aan qadarka marna la baajin karin.

Waxaanu yidhi “Runtii waa khasaare laga xumaado.laakiin,  qadarka lama baajin karo, laakiin dabku isaga ayuu ku kooban yahay, wixii u dhawaa waanu ka qaadnay.

Isaga-na waanu bakhtiinay inkastoo aanu qiimayn doono hadhow khasaaruhu inta uu leegyahay, gubashadaasina way dhacday, baadhistuna hadda ayay bilaabmi doontaa insha ALLAAH”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY