BERBERA: Waraaqaha Keena Oo Basaska Dib u raaca !!

0
923

Wakhti kastaa wuxuu wataa waayihiisa waxaan xasuustaa doorashadii Golahayaasha Deegaanka Dalkan JSL ayaa waxaa dhacday in musharax kastaa uu soo samaysto Kaadhadh (Cards) uu kuqoranyahay magaciisa lambarkiisa, & xisbiga uu ka sharaxanyahay iyadoo ninkasta oo musharax ahi samaystay (Thousands Cards) iyadoo ujeedada uu kalahaana ay tahay taageerayaashaada aad doonayso inay kuu codeeyaan uqaybi oo usudh qoorta, run ahaantii wakhtigaas anigu waxaan joogay gobolka saaxil waxaanan ka mid ahaa taageerayaasha watay mid-kamida xildhibaanadii utartamayay golaha deegaanka, waxaana jirtay wakhtigaas xildhibaanada qaarna way ku faa,iideen arintaas qaarna way ku khasaareen Tusaale hadaan usoo qaato kuwa ku khasaaray Tartame Kayd Cabdilahi Xandule oo kamid ahaa raga ugu muuqaalka wayn isu soo baxyada & meel kastaba wuxuu ka mid noqday kuwii la waayay markii dambe Tusaale 2aad Mayor shakuur oo isna ahaa ninka hogaaminaayay mar kasta tartamayaasha gobolka/degmada saaxil/berbera oo ka koobnaa 147 xildhibaan/tartame wuxuu noqday mid ka mida kuwa ka faa,iiday hadaba wakhtigaas oo ahayd doorashadii golayaasha deegaanka & maanta oo ah diiwaangelinta codbixiyayaasha maxaa u dhexeeya?

 

WAXAA UDHEXEEYA

 

Sida laynoo sheegay waxaa hada laqaatay ama lasiiyay dadka waraaq cad oo ay ku qorantahay macluumaad sheegaya qofkaas lasiiyay sida Magaciisa, Dadiisa, Meesha Uu-kudhashay, Magaca Hooyadii, Taariikhda Uu Dhashay, Saxeesiisa, & Serial Lr-kiisa ugelaaya diiwaankaas (Full Personal Details), intaas kadib waxaa jirta sida laynoo sheegay in lasoo samaynayo (Cards) ay kuqorantahay dhamaan macluumaadkaas aan sare kusoo sheegnay (Kaadhkaas) oo leh 3-dalool oo kala duduwan iyadoo lasheegay mid kasta laa daloolinayo marka lagu la codeeyo waana 3-doorasho oo kala ah 2-doorasho oo hal mar wada dhacaaya (Madaxwaynaha & Parlements-ka) & ta deegaanka oo ka dambaysa intaas kadibna (Cards)-kaasi yihiin Fail balse lahyo Data-dii ama xogtii dadka Ok maxaa hadaba dhacay maanta oo dadku is diiwaangelinayeen.

 

WAXAA-AYAAN-IDIIN-SHEEGAYAAYE-DHEGAYSTA

 

Waxaa dhacay in laysu abaabulo (reero/jilibo/raasas) lana yidhaahdo aynu dadkeena kasoo guro gobolada kale iyadoo reer kastaa danaynayo meel gaara, waxaana dhacday in lasoo guray dadkaas lana keenay magaalooyinka waawayn Tusaale ahaan Berbera hadaan soo qaato waxaa dadkooda keenayay dhawr qolo oo ay ka midyihiin kuwa aan kasoo jeedo anigu May ahayn Talo/Guud oo lagu wada socday waayo waxaa jiray musharax madaxwayne oo beesha ah oo gobol kasta uga baahnaa (COD) waxaana mihiimadu ahayd in laysla ogaado sababta hal gobol laysugu keenayo dadka waa qodobka 2aad waxaa la sameeyay in dhamaan waraaqihii laga ururiyay dadkii kadibna dib loo celiyay iyadoo aan weli la gaadhin wakhtigii kaadhaka doorashada la qaadanayay taasina waxay na siisay dareen kale oo sheegaya in ladoonaayo in la (MISS/LUMIYO) dhamaan (Cards-kaas) waayo waa maxay sababta uu dareenkaasi u imanayaa waxaa lawada ogyahay in (Card-ka) codbixinta aanu helayn qof sita waraaqdaas mooyaane sidoo kalena qofna aan loo dhiibayn (Card-kiisa mooyaane) kaadh kale sidaas awgeed waxaan usoo jeedinayaa dhamaan umada reer somaliland gaar ahaan kuwa gobolka saaxil weliba intii is diiwaan gelisay ee (Waraaqaha) qaadatay, waxaan idin leeyahay waraaqdiina ku haysta gacanta ilaa maalinta laydiin soo samaynayo (Cards-kiina) waayo waa laydiin soo sheegayaa marka laydiin soo sameeyo (Cards-ka) waayo macluumaadka laydinka reebay waxaa kamida telephones kiina si laydiinla soo hadlo.

 

WAXAAN-IDIINKA-DIGAYAA

 

Waxaan idiin digayaa hadii waraaqda diiwaangelinta laydinka qaado waxaad ogaataan inaad waayaysaan (Card-kiina) doorashada sidoo kale waxaad ogaataan inaanay jirin Jaanis dambe oo aad ku helaysaan (Cards-kiina) si kastaba ha ahaatee waxaa meesha ka muuqata ama jirta arin aan hore udhicin oo ay wadaan dadka mihnada ka dhigtay shaqooyinka noocan oo kale ah waana arin aad ufool xun oo lagu majara habaabinayo masiirka umada waxaan soo jeedin lahaa halaga feejignaado arintaas.

 

ATOORE GADHLE YAAD USHAQAYNAYSAA

 

Waxaa kamida raga sida xooga ah uwada howshan nin lagu magacaabo Mohamed Abdilahi Mire ninkaas oo hore uga mid ahaa ganacsatada wax kasoo dejisa Dekeda gaar ahaan kuwa keena Sibidhka isagoo lahaa shirkad lagu magacaabo IRMAAN wakhtiyadii horena ka shaqaynayayka shaqayn jiray shir lagu magacaabi jiray TARAN (waxaanu gadaal idiinka soo gudbin doonaa qormooyin badan oo xiiso leh oo ay ugu horayso sheekada ninkan gadhka leh.

 

 

 

LASOCO QAYBAHA DAMBE

 

Abdi Abdilahi Mohamed

Berbera,

 

LEAVE A REPLY