BERBERA: Shirkadaha Wakiilada u ah Marakiibta Koonteenarada qaada oo Kor dhinaya Lacagtii D.O-ga Ee Ay Qaadaan.

0
818

Berbera,(HargeisaPress)Shirkadaha wakiilada u ah Marakiibta Koonteenarada qaada ayaa Dhowrkii sanaba mar Kor u qaada   Lacagta ay ka qaataan koonteeenarada,  waxaanay sanadkii 2016 ku kala kordhiyeen koonteerada ka 20ft $40 halka Ka 40 Ft ah ay ku kordhiyeen $60. Koonteenarka 20ft ah waxaa la qaadi jiray $ 45  waxayna ka Dhigeen $85 Koonteenarka 40 Ft  ah waxay qaadi jireen $ 95 waxanay ka Dhigeen $155 Iminkana waxaay ka Dhigayaan  Koonteenarka 20 Ft ah $150, halka Koonteenarka 40 Ft ah ay ka Dhigayaan $215.

Hadaba  Lacag kasta oo aay Kordhiyaan waxay Fuuli Doontaa Bulshsda  Somaliland  Lamana garanayo sababta kaliftay in ay Xiligan Ku fakiraan in ay Cidhiidhi sii galiyaan  Umada Somaliland ee ay saamaynta ku yeeshee Sicir bararkii iyo Abaarihii waayo  lacagtaasi marka lasaaro ganacsatada  wax kala soo degta dekada Berbera  iyaguna shacabka ayuun bay siisaarayaan intay waliba laban laabaan lacagtaa  shirkaduhu ka qaadeen.

Lacag Kordhintan ayaa bilaabimi doonta  7 July e 2019 sida ku cad warqada sirta ah oo  ka soo baxday shirkada ugu shaqada badan oo  warbaahintu heshay.

Dhanka kale Wasaarada Horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland  ayaad Moodaa Inaay ka gaabinayso xakamaynta  Shirkadahan aan cidna waxba iskaga tirinayn ee markay doonaanba  lacagta korodhsanaya waxaana suura gala in arinkan buuq badani ka dhasho oo ganacsatadu ganafka ku dhufato  inta muranku jirana  shaqo joojin aay dhacdo Sida uu Noo Sheegay ganacsade isagu Si Hoose Nogusoo Gudbiyay warqadan waxaa kale oo uu ka digay in lacag kordhinatni hirgasho.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here