Berbera: Kulan Ku Saabsan Diyaarinta Siyaasadda Maaraynta Qashinka Dalka

0
457

Berbera (HP): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland C/kariin Aadan Cadde, ayaa soo gebagabeeyay kulan lagaga wadatashanayo Abuurista Siyaasada Maareynta Qashinka dalka.


Kulankaasi oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Berbera ayaa ku saabsanaa sidii loo diyaarin lahaa siyaasad qaran oo lagu maareeyo qashinka.
Furitaankii kulankaasi waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil, maayar ku-xigeenka dawlada Hoose ee Berbera, Xoghaya Dawlada Hoose iyo Wasaarradaha iyo haayadaha  ay wasaaradda deegaanka wadashaqeynta dhaw leeyihiin.

Sidoo kale waxa Kulanka ka soo qeyb-galey gudiyada xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Berbera.
Waxaana kulankaasi lagu faaqiday sidii dhibaatada qashinku ku hayo bulshada iyo magaalooyinka xal waara looga gaadhi lahaa, isla markaana shuruucda qashinka dib loogu ahbeyn lahaa.
Xidhitaankii kulankaasi ayaa la isla qaatay in la sii wado kulamada, ilaa inta xal loo helayo qashinka noocayadiisa kala duwan oo bulshada dhib ku haya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo hadal ka jeediyay xidhitaankii tababarkaasi ee maanta ayaa ka waramay u jeedadda laga leeyahay kulankaasi iyo waxyaabaha la rejaynayo in ay ka soo baxaan.
DAAWO: Hadalkii Agaasimaha ee xidhitaanka Kulankaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here