Berbera: 8 Ka Mid Ah Wakiillada Maraakiibta oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
767

Berbera (Hargeisa Press) – 8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay.

8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..” ayuu yidhi isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda.

Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof “Nimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsiga..” ayuu yidhi, isku-duwuhu.

Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojin  u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta.

 

Hargeisa Press.com/Berbera Office.

LEAVE A REPLY