Beesha Cabdale Abokor oo Shaacisay 2 Murashax oo Ku Matalaya Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka

0
1905

Hargeisa (Hargeisa Press) – Beesha cabdale Abokor oo ka mid ah beelaha dega Somaliland ayaa maanta shaaciyay laba murashax oo ku matalaya beeshaasi doorashada goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland ee socda.

Munaasibad balaadhan ee ay beeshaasi ku shaacinaysay labaasi murashax ayaa ka qabsoontay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qeybgalay Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, iyo marti sharaf kale.

Labadan murashax ee beesha cabdale Abokor u soo xulatay inay ku matalaan doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ayaa lagu kala magaaabaa, cumar Aw Faarax cabdilaahi oo isagu u taagan golaha Wakiilada iyo Mustafe abdi ali Dhimbiil oo isaguna u taagan golaha Deegaanka caasimada Hargeysa.

LEAVE A REPLY